Website URL: E-mail: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Muqdisho (SPR) Wasiirka kaluumaysiga DKMG ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh IbraAhim ayaa waraysi uu siiyay idaacada SPR Xarunta Muqdisho kaga warbixiyay hawla shaqo ee haatan ay hayso wasaaradiisa iyo waliba talaabadda ay dawladdu ka damacsantahay burcada.
Wasiirka oo faahfaahin ka bixiyay arimahaasi oo dhan iyo waliba warbixino kale oo ka bixiyay shirarkii u danbeyey ee ay ka qaybgaleen, waxaad ka bogataa waraysiga Agaasimaha xafiiska SPR ee Muqidisho Maxamed Ciise Maxamuud.
Dhahar (SPR): Dhismaha guri cusub oo ah suuqa Hilibka ayaa maanta laga furay magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland dhismahaan oo ay iska kaashadeen Wasaarada Xanaanad Xoolaha ee puntland iyo Hay,adda VSF SUISSE ayaa lagu wareejiye maamulka degmada iyo 7 Urur oo ka jira magaalada Dhahar ururadaan ayaa ah ku wa Hilibka ka ganacsada iyo xoolaha.
Waxaa Idaacada Bulshada Soomaliyeed arintaasi uga waramay Maxamuud Cabdilaahi Saalax Xiriiriyaha wasaarada xanaanada xoolaha Iyo Hay,adda Dhakhaatiirta an Xuduudka lahayn ee Xoolaha oo marka Mageceeda la Soo gaabiyo loo yaqaan VSF SIUSE.
Dr. Maxamuud C/laahi ayaa sheegey in dhismahani ay horey Dhahar uga dhiseen xarun kale ee xoolaha sida tan kawaanka hilibka iyo gowraca oo ah xarun weyn, xarunta xanaanada xoolaha oo laga dhisey Dhahar iyo Kala-dhacda, kuwaasoo leh talaagadooyinkoodii iyo qalabkoodii dhamaystiran. Sidoo kale ayaa wuxuu aad ugu hadley Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo sanadkan xooga saarey ayuu yiri hormarinta xoolaha gobolka Haylaan.
Maxamuud C/laahi ayaa sheegey in ay tababar u fureen ururada hilibka iyo xoolaha ka ganacsada sidoo kale waxaa uu sheegey in gobolka Haylaan ay isla haatan ka hayaan talaalka iyo daweynta xoolaha arintaasoo ah mid loo fuliyey gobolka Haylaan oo kaliya. Maxamuud C/laahi ayaa sheegey in ay Dhahar ay tahay meel aad u weyn oo fideysa isla markaana ay u baahanyihiin howlo iyo wax qabad intaa ka badan laakiin ay wax badan ka qabteen Hay'ad ahaan iyo Wasarad ahaan. Maxamuud ayaa ka warbixiyey xarunta ay maanta xariga ka jareen iyo qalabka ay ku wareejiyeen gabdhaha iskaashatooyinka iyo dowlada hoose ee degmada Dhahar.















Dhahar (SPR): Waxaa maanta Idaacada SPR xarunta gobolka Haylaan marti inoogu ahaa Gudoomisada Ururada Haweenka Sanaag Faadumo Yuusuf oo isla markaasina aynu ku qabaney barnaamij looga arinsanayo barnaamijka Dimuquraadiyada iyadoo dhagaystayaasha gobolada Sanaag iyo Haylaan khadka tilifoonka loo furey halkaasoo ay weydiinayaan su'aalo ku saabsan umuurahaasi.
Boosaaso (SPR): Barnaamijka Qoyska iyo umuuraha Haweenka ayaa ah barnaamij todobaadle ah oo ka baxa Idaacada Somali Public Radio (SPR).
Barnaamijkan ayaa waxaanu todobaadkan kuso qaadanaynaa maalinta haweenka iyo sida looga dabaal degay magaalada Garoowe taasoo lagu qabtey xaflad lagu dhaliilayo gudniinka Fircooniga ah iyadoo halkaasi laga warbixiyey saameynta iyo dhibaatada uu leeyahay.
Muqdisho (SPR): Waxaa maalintii shalay shir lagu qabtey xarunta madaxtooyada codeeyey baarlamaanka DKG kaasoo xilka looga qaadayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa waxaa isla markaasina si ku meel ah loogu magacaabay Madoobe Nuunow oo kamid ah xildhibaanada DKG ah.
Hadaba arintan ayaa waxaa maanta baaq iyo waliba shir saxaafadeed kasoo saarey madaxweyne Sheekh Shariif oo muujinaya dareenkiisa ku aadan islamarkaan sheegey waxa uu ka qabo arintaasi.
Muqdisho (SPR): Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ka tirsan xildhibaanada DF horeyna usoo qabtey xilal badan ayaa shalay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay u doorteen shir gudoonka Baarlamaanka ayaa idaacada SPR sababaha keeney in ay u codeeyaan baarlamaanka isla markaana xilka uga qaadaan.
Madoobe ayaa sheegey in ay sharci tahay codeyntii iyo xil ka qaadidii Shariif Xassan isagoo sheegey in ay sharciga la tiigsadeen. Idaacada SPR ayaa waxay weydiisay arimo kale oo badan.
Taleex (SPR): Kadib markii maalma ka hor ay dablay hubaysan oo ka soo jeeda degmada Taleex ay rasaas ooda kaga qaaday gari marayey duleedka degmadaasi oo uu wato nin ganacsade ah oo isla deegaanka kaasi kasoo jeeda oo ay walala ahaayen madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisemed Cali Shire, ayaa dhacda daasi oo ay ku geriyooden laba nin halka laba kalena ku dhaawac meen.
Hadaba odayaasha dhaqanka ee degmada Taleex iyo wax garadka ayaa arintaasi dhex dhexaadin ka galey iyaga oo ilaa hada ku guulaysatey in ay kala dhexgalaan dadkii ay aanadu kala gaadhey sida uu Idaacada Bulshada Soomaliyeed ee SPR u sheegay garaad Cabdisalaan Maxmuud Xasan oo ka mid ah Garaadada ugu Tunka weyn gobolka Sool.
Sidoo kale mar uu garaadku ka hadlayey arintaasi ayuu sheegay in ay weli arintu bilaw tahay isla markaasina ay ku guuleysteen in ay ka qadan dadkii caraysnaa balse heshiiska xoogiisi haray.
HALKAAN KA DHEGEYSO WARAYSIGA GARAADKA
Anagoo ku hadleyna Magaca Beesha Gaalawagar ee ku sugan Waqooyiga Mareykanka, Australia, New Zeland, Yurub iyo Carabaha waxay baaq u soo jeedinayaan dhamaan beesha Gaalawagar iyo dhamaan beelaha kale ee degaanka kula wadaagaan ee Bakool iyo Shabeelada Hoose iyo Beelaha kale dhamaantood. In Beeshani ay tahay beel Nabad jecel kuna baraarujisa beelaha kale ee walaalahooda ah ama la degan sidii Nabadgelyo waarta loogu heli lahaa, degaanadooda iyo kuwa kale ee ay isku gobolka yihiin,Waxtarka iyo Qiimaha ay yeelan karto, Nabadgelyada Taasoo saldhig u noqon karta marwalba iyo xaalad walba oo lagu jiro laguna gaari karo wadada horumarka bulshada: gaar ahaan dhinaca waxbarashada, caafimaadka, wax soo saarka , ganacsiga,Xoolo dhaqashada ,fahamka iyo isdhexgalka bulshada iyo adeega guud.
Waxaa kale oo halkaa ku xuseynaa sidii ay taabagal uugu heli lahaayeen in lagu baraarujiyo dhamaan caruurta, dhalinyarada iyo oday dhaqameedka beesha Gaalawagar sidii loo xoojin lahaa barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ah,lagana faa’iideysto Culamaa’udiinka beesha Gaalawagar oo weligoodba lagu yiqiinay barida iyo gaarsiinta diinta Islaamka ee sida barashada qur’aanka Kariimka , Fiqiga, Naxwaha, Balaaqada, mandiqa iyo Fanu culuum atajwiidka.
Culumada Gaalawagar oo lagu tilmaamo inay gobolada qaarkood ay u aadeen barida qur’aanka Kariimka ah, Beelo badana ay aqoonsan yihiin.
Intaasi ka dib,mar labaad waxay ka warbixinayaan Aqoonyahanada, Indheer garatka, Culumaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale ee ku abtirsata beesha Gaalawagar in wax lug ah aynan ku lahayn waxyaabaha ka dhacaaya gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka ay Beesha degan tahay dhibaatooyinka sida dhaca,boobka,dulmiga,daandaansiga, afduubka iyo wixii la mid ah.
Waxaa weligeed la ogsoon yahay in beeshani bulshadeedu inay u badan yihiin Culumaa’udiin, beeraley, xoolodhaqato iyo ganacsato degan magaalooyinka waaweyn. Waana dad beelaha kale ee bulshada Soomaaliyeed xiriir soo jireen la leh, lana ogsoon yahay inay marwalba jecel yihiin kuna hami dheer yihiin inay nabad waarta ka dhacdo dalkooda hooyo ee Somaaliya.
Waxaa kale oo ay beeshani aan kor ku soo xusnay sheegayaan inay Culamaa’udiinka iyo Aqoonyahanada beesha ee ku kala baahsan Carabaha, Waqooyiga Mareykanka iyo Yurub inay ka Murugeysan yihiin go’aamada ka soo yeeray “ Diidmada barashada maadooyinka Culuunta ama sayniska iwm.” Ee aan diiniga ka mid ahayn ee laga joojiyaya Dugsiga ku yaala degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool iyo Dugsiyo badan oo Bay iyo Bakool ku yaaliin. Taasi oo aanu u aragno inay sabab u noqon karto, dib u dhac xagga maadooyinka culuunta oo ardeydaa saameyn weyn ku yeelan karto mustaqbalka dhow iyo kan dheer, Waxaan halkan ku xusuusin lahayn walaalaheena go’aanka ka soo baxay, in barashada diinta la barto waa muhiim,waana ku raacsan nahay in wax walba laga bilaabo barashada culuunta Diinta Islaamka laakiin waxaa marag ma doonto ah , oo aan la hureyn loona baahan yahay barasha culuunta kale sida Culuunta asaasiga ( Basic Science) xisaabta, Kiimikada, Bayooliga,fisikiska , jiyoloojiga,Daaweynta iyo daawo sameynta, iyo farsamada gacanta iyo laameheeda kala duwan oo laysku oran karo (Polytecnic). Waxaa kaloo xusid mudan in walaalaheena ay akhristaan kutubada taariikhda Islaamka ,xadaarooyinka iyo Ilbaxnimada heerka culuunta ka gaareen tan diiniga ah iyo mida maadiga ah. Tusaalooyin waxaa inooga filan Culimadii Muslimiinta ee Culuumta Diinta ,Luqadaha iyo Culuumta sida Daawenta ,Daawo sameynta, culuumta bulshada iyo culuum kaloo faro badana heer sare ka gaareen Muslimiinta in loo soo doonto barashada culuumta oo dhan. Culumadaa waxaa ka mid ah.
Culumadaasoo dhan waxay ahaayeen kuwo bartay culuumta diinta Islaamka Luqada Carabiga iyo qawaacideeda, xifdiga qur’aanka kariimka ah, Shareecada , fiqiga iyo culuumta kale ee aan diiniga ahayn . Waxaana aad iyo aad uuga xunahay Dhibaatooyinkaa haysata bulshada iyo beelaha ku dhaqan degmadaasi ,Waxaana u sheegaynaa dadka go’aamadaa gaaray inay llaahay u noqdaa dadkana ka kaalmeeyaan barashada diinta Islaamka iyo tan kaleba si ay uuga faaiideystaan.
Wa bilaahi towfiiq Insha Allah.
Culumaaudiinka iyo Aqoonyahanada; Beesha Gaalawagar aw Cumardin.
Ceelbuh (SPR): Magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa laga soo sheegayaa in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ay soo wajahday biyo la,aan xoogani kadib ganacsatada magaalada oo bogcada ganacsi ka dhigtay dhulka jihooyinka ka xiga ceelka matoorka ah ee laga dhaansado.
Cabdilaahi Maxamed Jaamac waxaa uu ka mid yahay wax garadka iyo isimada magaaladaaasi waxana uu Idaacada Bulshada Soomaaliyeed ee SPR uga waramay saba baha ka dameeyey in ceelka laga xiro dadka magaaladaasi.
Qaar ka mid ah hugaamiyaashii isimada Puntland oo dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe
Eastleigh Peace Festival connects Somali youth worldwide
Speaker Mohamed Osman Jawari: New Hope for Somalia
Nairobi:- General Ilka Jiir oo Qado Sharaf la Qaatay Xubinaha Jaaliyada Gobolada Sanaag,Hayland iyo Bari ee dalka Kenya +Sawiro
Shirkii Garoowe oo lasoo idleeyay iyo Qodobo hordhac ah oo kasoo baxay.
Xoghayaha Qaramada Midoobay oomaanta Muqdisho kasoo dagay.
DHAGAYSO Maxay tahay Danta Soomaalida Masar ee Doorashadii Maxamed Mursi.
DHAGEYSO--- Barnaamij wareysi ah oo ka hadlaaya Jirdhiska---- Raage Cali
