Displaying items by tag: Dhahar

Dhahar ( SPR ) : Xaflad Balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Haylan gaar ahaan Odoyaal dhaqameedka,Haweenka,Dhalinyarada iyo Maamulka Gobolka,kana dhacday Degmada Dhahar ayaa si weyn loogu taageeray Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Dadweynihii ka hadlay Xaflada ayaa u wada Hambalyeeyay Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa,iyagoona si aad ah u amaanay qaabkii la jeclaystay ee ay u dhacday Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Gobolka Haylan Maxamed Siciid Ciise Jeentaro ayaa sheegay Gudoomiyaha in uu xilkiisa ugu Ducaynayo sidii Illaahay ula garab qaban lahaa uuna ugu guulaysan lahaa Masuuliyada culus ee ay Xildhibaanada Puntland ugu doorteen.

Munaasabada oo kusoo gaba goowday Jawi farxadeed ayaa ka qayb galayaasha waxaa Doorasho lamid ah tii Gudoomiyaha Baarlamanka ay u rajeeyeen in ay u dhacdo tan Madaxweynaha oo Maalinta Arbacada ah ay ku tartamayaan Musharaxiin kala duwan.

Sidoo kale Jaaliyada Reer Puntland ee Minnesota ayaa Hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub iyagoona u rajeeyay in uu Eebe u fududeeyo xilka culus ee uu Gudoomiyaha qaaday,waxaana ay sheegeen in ay taagaarayaan Gudoomiye Siciid Xasan Shire.

gfggdfgfd

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa kasoo jeeda Gobolka Haylan kana mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka Puntland kasoo galay Gobolkaasi.

Siciid Xasan Shire ayaa ku dhashay Degmada Dhahar sanadii 1965tii,Waxaana Dugsiyadii Waxbarashada ee Hoose iyo Sareba uu kusoo qaatay Gobolka Jubbada Hoose,iyadoona markii Dambe uu ka qalin jabiyay Jaamacada Barashada Diinta Islaamka.

Siciid ayaa noqday Ganacsade Caanka ah Soomaaliya kahor inta aanu ku biirin Siyaasada,iyadoona Dowladii Carta ee Dalka Djabouti lagu soo dhisay uu ka noqday Xildhibaan 1999 ilaa 2003,Waxaana kadib uusii anba qaaday Siyaasada Soomaaliya iyadoona Dowladii lagu soo dhisay Kenya ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf uu kasoo noqday Xildhibaan iyo Wasiir.

Saddexdii Sano ee u dambaysay Siciid Xasan Shire waxaa uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha kasoo noqday Dowlada Puntland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Faroole oo haatan mar kale u sharaxan jagada Madaxweynanimo.

Shacabka Gobolka Haylan iyo Guud ahaan reer Puntland waxaa ay soo dhoweeyeen Isbadalka cusub ee Gudoonka Baarlamanka uu Hogaanka u qabtay Siciid Xasan Shire,iyadoona Doorashadii 4tii bishan Janaury 2014 uu Cod aqlabiyad leh oo gaaraya 40 Cod kaga guulaystay Doorashadii uu la galay Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) :Magaalada Dhahar waa magaalo Madaxda Gobolka Hay lan,waa magaalo qadiimi ah oo leh Taariikh dheer,Cimaladeedu waa qabow meel dhexaad ah,Waxaa ay ku taala goob Istaraatiiji u ah ganacsiga,Dadkeedu waa dad fur furan oo jecel isdhexgalka iyadoona Dhalinyarada deegaankaasi usoo kacaya ay yihiin kuwo leh hami Isbadal doon iyo horumar uu deegaankoodu ku talaabsado.

Waxaa ay ahayd xili habeen ah oo Magaalada laga hurdo markii aan gaaray Dhahar, Ma jirin wax layr ama Iftiin ah,iyadoona aan u qaatay in aan gaariga kaga dagay banaanka Magaalada,Waxaana safarkaygii Magaaladaasi aan ku weheliyay dhalinyaro kasoo jeeda deegaanka oo doonaysay in ay wareejiyaan Horumar ay kusideen gacmahooda oo wax loogu qabanayay Cisbitaalka Degmada.

Uma lahayn Aqoon hore Magaalada Dhahar,Waxaana uu ahaa socdaalkaygii ugu horeeyay
oo aan halkaasi ku tago,Waxaana seexanay Aniga iyo Saaxiib kamid ah Dhalinyardii
waday Barnaamijka horumarinta Bulshada Hay lan guri ku yaala bartamaha degmada.

Abaara 2:00 saac subaxnimo oo ku xigtay habeenkii aan magaalada gaaray ayaan u kacay
in aan soo guto shaqadii aan halkaasi u tagay,Waxaan bilaabayn diyaarsigii  qalabkayga shaqo,waxaana intii aan ku guda jiray howshaasi aan gaaray goob Internat cafe- ah,taasi oo aan u qaatay in ay magaalada haysato dhibaato dhanka Isticmaalka khadka Internat-ka ah.

Waxaan bilaabay in aan waraysto qaar kamid ah dhalinyardii safarka aan ku weheliyay
Waxaan weydiiyay Labo su aal oo maankayga ka guuxayay,iyadoona jawaabta aan saaxiibadaasi
ka heliyay ay noqotay kuwo aan horay usii qabay.

Magaalada Dhahar Waxaa ay leedahay 2 Xarun oo ay si wada jir ah uga hesho Layrka iyo Internat-ka waana Xarunta Isgaarsiinta Golis iyo Telecom.

Kadib markii aan helay Jawaabihii aan doonayay ayaan bilaabay in aan Magaalada soo indha indheeyo xaaladeeda dhanka Dhismaha iyo Ganacsiga,Waxaana durba ay indhahaygu qabteen dhismayaal  bilicwanaagsan oo haatan qaybtood la wado dhismahooda,Arday wax baranaysa iyo Ganacsi furfuran oo u baahan shacabka wax ka iibsada.

Qaar kamid ah dhalinyaradii Magaalada oo aan sibaranay ayaa iisheegay magaalada xiliga aan
imi in ay tahay wakhti abaar ah ayna aad u qurxoontahay xiliga barwaaqada.

Ma haysan wakhti dheer oo aan kusii kala barto dhahar,iyadoona lay sheegay in ay leedahay
Xaafado kala duwan,hadii aan maalmo kale sii joogana ay iisahlanaan doonto helitaanka
xog ka badan intii aan helay.

Waa booqashadii wakiilka Idaacada SPR ee magaalada Bosaaso, Xusein Xuska

Waxaan halkaan Idiin ku soo gudbinaynaa Muuqaalka Dhismayaal ka socda magaalada Dhahar,Ganacsiga iyo Waxbarashada.

 

DSC02697

DSC02673

DSC02675

DSC02677

DSC02695

DSC02408

DSC02682

DSC02409

DSC02660

DSC02524

DSC02548

DSC02545

DSC02563
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Gobolka Haylaan: Sheikh Ibraahim Aadan Jaamac

DSC02596

DSC02593

 

DSC02595

DSC02603

DSC02638

DSC02639

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) : Maamulka Gobolka Haylaan ee Puntland ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay
so baxayay oo ku aadan in Deegaano ay kamid tahay Xingalool laga madax banaanaynayo
Gobolka Hay land,gaar ahaana lagu daray Gobolka Sanaag.

Maxamed Faarax Ciise Jeentaro,gudoomiyaha gobolka haylaan ayaa sheegay in Xingalool
ay tahay Haylaan,aysana jirin sabab haatan degmada looga saaro gobolka sidaasi
daraadeedna aanay ka ogolaan doonin dadka iyagu haatan wada howshaasi.

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay mar uu la hadlayay SPR in ay booqan doonaan guud ahaan
deegaanada gobolka oo ay Xingalool kamid tahay,iyadoona haatan wafdi Wasiiro ah oo
gobolka ku sugan ay kormeer deegaankaasi ku marayaan.

Shir dhowaan ka dhacay Degmada Xingalool ayaa dadkii soo abaabulay ay uga soo horjeedeen
in Degmadooda lagu daro gobolka Haylaan ayna doonayaan in lagu daro Sanaag.

Degmada Xingalool waxaa ay kamid tahay Degmooyinka gobolka Haylaan,Waxaana lagu daray
markii gobolka loo aqoonsaday in uu yahay gobol cusub oo ka madax banaan Gobolka Sanaag.

Wafdiga Wasiirada ah ee haatan ku sugan Dhahar ayaa laga filayaa sida ay dad xog ogaal ah
u sheegeen SPR dhamaystirka Maamulka Gobolka, iyadoona horay uu u shaqaynayay gudoomiyaha
lagu soo kordhin doono qaybaha kale ee Maamulka si uu unoqdo gobol mid uu Maamulkiisa u
dhamaysiran yahay.

JEENTARP SPR

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) : Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hay land ayaa Degen,Waxaana Magaalada aan soo galin Ciidamada Somali land oo halkaasi kusoo wajahnaa,iyadoona Odoyaasha Deegaanka ay ka codsadeen Puntland in ay kala baxdo Ciidamada ay keentay.

Wararkii ugu dambeeyay ee SPR ay ka helayso Dhahar ayaa sheegaya in ay Odoyaasha iyo Waxgaradka Deegaanku ay ka codsadeen Puntland in ay Ciidamadeeda kala baxdo,lana qaboojiyo xiisada halkaasi ka taagan,gaar ahaana Dagaal dhaca oo laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Xaalada Dhahar in ay Degen tahay isaguna uu ku sugan yahay,aysan Jirin cid ka socota Somali land oo halkaasi ku sugan.

Idaacada SPR oo isku dayday in ay la xiriirto C/jamaal iyo Masuuliyiinta kale ee Puntland ee ku sugan Degmada Dhahar ayaanay u suurta galin,Waxaana Warar aynu ka helayno Deegaanka ay Sheegayaan in ay Ciidamada Somali land ay ku sugan yihiin Deegaan u dhexeeya Xingalool iyo Ceelbuuh oo lagu magacaabo Jiingada.

Puntland ayaa sheegtay in isku day kasta oo Soomaali land ay ku damacdo in ay Dhahar kaga hirgaliso Doorashooyinkeeda ay uga hortagayaan Dagaal,waxaana Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed uu qiray in ay jiraan Ciidamo dheeri ah oo ka socda Puntland la geeyay Dhahar.

Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hay land ayaa waxaa labadii Maalin ee ugu dambaysay ka taagnaa xiisad kacsan,gaar ahaana la xiriirta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somali land oo halkaasi ay Somali land damacday in ay gayso Sanaadiiqda cod bixinta.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hay land,gaar ahaan Degmada Dhahar ayaa wada Abaabul xoogan oo ay ugu jiraan in aanu Dagaal ka dhici Degmada Dhahar,waxaana Dhanka kale iyaguna wado Dhaq dhaqaaqyo ay ugu soo jihaysanayaan Dhahar Ciidamada Somalli land ee ku sugan Deegaanka Jiingada ee Gobolka Sanaag.

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) : Banaabaxyo looga soo horjeedo Somali land,gaar ahaana Sanaadiiqda
Doorashada Golayaasha Deegaanka oo kusoo fool leh Degmada Dhahar ee Gobolka
Hay land ay dad caraysani ay isugu soo baxeen Gudaha Magaalada Dhahar.

Dadkan ayaa ka Mudaaharaadaya Sanaadiiqda Cod bixinta Goloyaasha Degmooyinka
Soomaali land oo lagu daray Degmada Dhahar goobaha laga codbixinayo,waxaana
ay ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhann ah Maamulka Somali land.

Gudoomiyaha Gobolka Hay land Jeentaro oo la hadlay SPR ayaa sheegay in aanay
xiligani jirin Sanduuqyo cod bixin oo la keenay Dhahar,hase ahaatee ay dadku
ka banaabaxeen Damaca Somali land ee Dhahar.

Jeentaro waxaa uu ka digay Dagaal dhaca,isagoona sheegay hadii ay Somali land
isku daydo Dhahar in ay wax doorashooyin ah ay uga dhacaan ay ka hortagi
doonaan Ciidama iyo Maamulka Puntland.

Degmada Dhahar ayaa lasoo sheegayaa in ay ka jirto xiisad la xiririta Arimaha
doorashooyinka Somali land,waxaana warar ay SPR helayso ay sheegayaan in halkaasi
ay gaareen Masuuliyiin iyo Ciidan ka socda Puntland.

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) :  Warar deg deg ah oo aanu ka helayno Degmada Dhahar ee Gobolka Hay land ayaa sheegaya in Rasaas ay fureen Ciidamada Amaanka Puntland  ay ku dhinteen Labo qof oo mid kamid ah uu ahaa qof ay ku daba joogeen Ciidamadaasi,gaar ahaana lagu tuhmayo in uu ka tirsanaa Alshabab.

Ninka lagu tuhmayo in uu ka tirsanaa Alshabab ayaa la sheegay in Ciidamadan oo ku hubaysnaa Labo Gaari oo nooca dagaalka ah markii uu arkay uu cararay kadibna Rasaas ay ku fureen,taasi oo keentay in Rasaastu  ay ku dhacdo Ninkii la doonayayoo lagu Magacaabo Xasan Ismaaciil Sardheeye  iyo wiil arday ah oo goobta ka agdhowa gaar ahaana ay rasaasu si kam ah ay u haleeshay oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Faarax.

Ciidamada Amaanka puntland ee howl gallka fuliyay ayaa waxaa hogaaminayay Taliye Cali Daahir Axmed Saalax,waxaana Ninka ay Ciidanku ku daba joogeen la sheegay dhaawac ahaan in looga soo qaaday Dhahar,uuna ku geeriyooday Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Xaalada Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hay land ayaa degen,iyadoona isku socodka uu yahay mid caadi ah oo aanay jirin wax dhibaata ah oo arintani ay sababtay marka laga reebo dhimashada labadaasi qof.

KALA SOCO SPR WARARKA KASOO KORDHA.

Published in Somali News

Dhahar ( SPR ) : Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hay land ayaan Maalintii shalay oo ku beegnayd Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa aan lagu tukan Garoonka Kubada Cagta oo caan ku ahaa in Maalmaha ciida ay dadka Magaaladu ku wada tukadaan sababaha Roob xoogan oo halkaasi ka da ay.

Mudo ku dhow 10 saac ayaa Magaalada Dhahar waxaa Hayay Roob xoogan kaasi oo saacadahaasi Xiriirka aan ka kiciin Magaalada,Waxaana ay dadku ku ciideen Nimcada rabi ee
Roobka oo ay si weyn ugu diirsadeen.

Roobabka ayaa sidoo kale qabtay deegaanada Miiga ah ee Gobolka,waxaana ay Raxmaadkani eebe yimaadeen xili mudooyinkii u dambeeyay ay dadku tukanayeen Salaado roobdoon ah
oo ay illaahay uga baryayaan in uu Roob u keeno.

Gobolka Hay land waxaa uu kamid yahay deegaanada Soomaalida ee aanu mudooyinkan roobku
ka di in,iyadoona dadka reer miiga ah ee deegaankaasi kasoo jeeda ay qaarkood horay xoolahooda
ula guuri jireen deegaano kale oo naqa roobku uu helay.

DSCI1166

Published in Somali News

Dhahar (SPR) : Waxaa Magaalada Dhahar ee Caasimada Gobolka Hay land lagu soo gaba gabeeyay Tartan Aqooneed dhexmaray Xaafadaha kala duwan ee Magaalada,iyadoona Xaafadii ku guulaystay Tartanka la gudoon siiyay Abaalmarino.

Tartan Aqooneedkan ayaa socday Tobankii Maalmood ee ugu dambeeyay Bisha Barakaysan ee Ramadan,Waxaana kasoo qayb galay Lix Xaafadood  oo ay  kamid yihiin , 21 octobar,Bilcil,New Dhahar
Qunyar Daga,Wada jir  iyo Xaafada Alraxma  .

Lixdan Xaafadood oo wada tar tamay  ayaa Wareegii Labaad waxaa isgu soo haray Afar kamid ah,kuwaasi oo Labo iyo Labo isugu dhacay ,iyadoona wareegii ugu dambeeyay ay isugu yimaadeen Xaafadaha 21 Octobar iyo  Bilcil,Waxaana guushu ay ku raacday xaafada 21 Octobar.

Xaflad balaaran oo loo sameeyay  Xaafadii ku guulasatay Taranka oo ah 21 Octobar ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ay kamid yihiin,Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ,Wasiir ku  xigeenka Wasaarada Isportiga iyo Dhalinyarada Puntland Siciid Daahir Qoddax ,Gudoomiyaha Gobolka Hay land Maxamed Faarax Joontalo iyo Gudoomiyaha Qurba Joogata Deegaanka Maxamed Salaad  Faarax.

Masuuliyiintan oo ka hadlay Gabagabadii Xafalada ayaa ku booriyay xaafadihii laga guulaystay in ay dadaalaan si ay ugu guulaystaan tartanada xiga,iyagoona u  hambalyeeyay xaafada 21 Octobar guushii ay Tartanka ka gaareen.

Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Xaafadaha Degmada  Dhahar Yaasiin C/waaxid Yaasiin Dhahar oo la hadlay Warbaahinta SPR ayaa sheegay in la gudoonsiiyay xaafadihii ku guulaystay Kaalimaha hore ee Tartanka Koobab iyo Abaalmarino kala oo qaali ah.

Caasimada Gobolka Hay land ee Dhahar waxaa mudooyinkii aynu soo dhaafnay ka socday horumar dhanka wax barashada ah,iyadoona dhalinta wax barata ee deegaanka ay ku jireen tartan ku aadan kor u qaadista Aqoontooda.

Published in Somali News

Dhahar (SPR): Waxaa sakay ma gaalada dhahar ee xarunta gobolka haylan ka dhacay isu soobax Balaaran oo roobdoon ah kaasoo laysugu soo baxay barxada wayn ee ku taal dhanka Waqooyi ee magaalada Waxana ka soo qayb galay dadwayne aad u farbadan oo isugu jira Bulashdada qaybeheeda kaladuwan ee ku dhaqan magalada Dhahar.

Isu soobaxan roob doonta oo ahaa mid si heersare aha loo Soo qaban qaabiye ayaa waxa halkaasi dadka kula Hadlay culimada  gobolka ayaga oo  halkaasi ka akhriyeen ducadii roob doonyta waxaana ay ilaahay ka baryeen in uu ka dulqaado guud Ahaan umada Soomaaliyeed abaaraha xoogan ee ka jira dalka. 

roobdoondhahar1

Maalma ka hor ayaa culimada gobolka waxay ku baaqeen in la oogo salaada roob doonta isla makana Illaahay laga baryo in in uu umada ka dul qaado abaaraha iyo biyo la’aanta kadib markii roobkii dayrta uusan ka di.in gebi ahaanba dalka Soomaliya

Bilawgii sanadkan ayey ahayd markii maamulka P/land ay soo sareen qayla dhaan ku saabsan abaaraha ka jira gobolada P/land mana jirto waxa hay’ada samafal ah oo ka hawl galay gobolada Sanaag iyo Haylaan.

roobdoondhahar

Jaamac Nuur Muuse

Published in Somali News

Dhahar (SPR): Waxaa magaalada Dhahar laga bilaabay laba mashruuc oo ay fulinayeen Hay’ada lagu magacaabo SDC laba mashruuc oo ay lacagta ugu deeqdey maamulka Soomaaliland. Mashaariicdan ayaa kala ah Xabsi (Jail) oo ay magaaladu yeelato oo ku fadhiya 40x40 oo isla markaasina dhismihiisu haatan socda iyo waliba Seylada xoolaha oo weyn isla markaana ka kooban laba qeybood oo kala ah: qeybta kawaanka iyo qeybta khudaarta. Shacabka ku nool magaalada Dhahar ayaa waxay si weyn usoo dhaweeyeen mashaariicdan kusoo korodhey deegaanka isla markaana sheegay in ay magaaladu aad ugu baahneyd mashaariicdan.

Mashruucan oo ay gacanta ku hayaan hay’ada Maxali ah oo lagu magacaabo SDC oo ka howl gasha deegaanada gobolka Sanaag. Waxaanu wareysi la sameyney madaxa hay’ada SDC Axmed Aadan Gurey oo ka warbixiyey  labadan mashruuc.

Download

HALKAN KA DHAGAYSO BARNAAMIJKII OO MP3 AH

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DHISMAHA SOCDA

DSCI0832

DSCI0837

Published in Interviews
  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  Next 
  •  End 
  • »
Page 1 of 4

SPR 3rd annual event

Degan Ali: Keep the life line open

Afhayeenka Ololaha Abdi Warsame Oo Bixiyey Waraysi

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos