Banner
Friday, February 22 2013

Urursiyaasadeedka Midnimo oo walaac muujinaya iyo Maamulka Madaxweyne Faroole oo rajo wanaagsan qaba.

Written by Admin

Garowe ( SPR ) : Urursiyaasadeedka Midnimo oo kamid ah Lixda Urur siyaasadeed ee u taagan
doorashooyinka Dimuqraadiga ah ee la filayo in ay ka qabsoomaan Puntland
ayaa walaac xoogan ka muujiyay isbadalo lagu samaynayo xeerka doorashada.

Axmed Ismaaciil Muuse oo ah Afhayeenka KMG ee Urur siyaasadeedka Midnimo
ayaa ka hadlay Warsaxaafadeed uu Ururkoodu soo saaro,taasi oo ay walaac
uga muujinayaan habka ay wax u wadaan gudiga kmg ee doorashooyinka Puntland,iyadoona
ay ku tuhmayaan in xisbiyo gaar ah ay u danaynayaan.

Axmed ayaa sheegay in Ururkoodu uu qaadacayo doorashooyinka la filayo in ay
dhacaan hadii wax laga badalo qodobo dastuuri ah oo ku saabsan arimaha doorashad,
waxaana uu tusaale ahaan usoo qaatay Qodobada,qodobka ka hadlaya in qofka
codka bixin karaa yahay qof muwaadin reer Puntland ah, da diisuna aysan ka yarayn
 18 jir oo haysta warqad aqoonsi ah,Kan labaadna yahay, in doorashada lagu galo iyadoo
aysan jirin diiwaanka codeeyayaasha,taasina ay u arkayaan hadii ay dhacdo in lagu shubanayo
codka.

Dhanka kale Maamulka talada haya ee Puntland oo ah Ururka Horseed ayaa isagu
iska fogeeyay in uu qabo walaac hadii wax laga badalo qodobadaasI.

Wasiirka Maamul wanaaga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa sheegay
geedi socodka dimuqraadiyada Puntland ee wakhtigani in uu yahay mid hana qaad ah
sidaasi darteedna ay u dul qaadanayaan wax kasta oo lagu gaari karo hirgalinta
nidaamkaasi.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos