Boosaaso ( SPR ) : Munaasabadani oo ahayd shirweynihii kowaad ee Urursiyaasadeedka Horumarka iyo cadaalada Puntland ee Horcad ayaa waxaa uu ka dhacay Hotel Panaroma ee Magaalada Boosaaso iyadoona ay kasoo qayb galeen Madaxda iyo xubnaha Ururka Horcad,Nabadoono,dhalinyaro iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala yimi gobolada kala duwan ee Puntland.
Ugu horayn Munaasabada ayaa laga akhriyay buug daabacan oo ka hadlaya Aas aaskii
Urur siyaasadeedka Horcad iyo Barnaamijka uu ka duulayo Ururku ee wax ka badalida
siyaasada,dhaqaalah,waxbarashada,warbaahinta iyo Arimaha cadaalada ee Puntland hadii
uu Ururku ku guulaysto doorashada Dimuqraadiga ah ee ka hirgashay Puntland.
Munaasabada ayaa waxaa intii ay socotay laga soo jeediyay tix suugaaneed lagu amaanay
Ururka Hor cad iyo sidoo kale dar daaran ay ururka usoo jeediyeen Nabadoonada iyo
kasoo qayb galayaashii kale ee munaasabadani.
Madaxda Ururka Horcad ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Allaha u naxariistee Sheekh Cabdu qaadir
Nuur Faarax,iyadona sidoo kale ay cambeereeyeen dadkii ka dambeeyay dilkiisa.
Munaasabada Shirkii 1 aad ee Urursiyaasadeedka Hor cad ayaa golaha dhexe ee Ururkaasi
waxaa uu ku ansixiyay Xeerka Ururka,iyadoona sidoo kale ay ku doorteen Gudoomiyaha Ururka Horcad,ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee Ururka.
Gudoomiyihii KMG ee Ururka Horcad,haatana ah gudoomiyaha golaha dhexe
C/qaadir Axmed Ducaale.
C/qaadir Axmed Ducaale ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Ururka
Hor-cad uu ka baxo KMG,iyadoona si rasmi ah loo dhisay Maamulkiisa,Waxaana
intii lagu guda jiray Xaflada Munaasabadii 1aad ee Shirwaynaha Ururka uu si aad
ah u cambaareeyay kuwii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir
Nuur Faarax,iyadoona uu ka tacsiyeeyay geeridiisa.
Gudoomiyaha Ururka Horcad,ahna aasaasayaashii Ururka Cumar Ismaaciil Waabari
Cumar Ismaaciil Waabari ayaa ku dheeraaday Aas aaskii Ururka iyo sababaha
ay xooga usaareen dhalinyarada,iyadoona si weyn uu u maanay shacabka Puntland
ee heerka Dimuqraadiyada ee ay marayaaan,waxaana uu meesha ka saaray
diidmay kasoo yeeraysa qaar kamid ah siyaasiyiinta ee hanaanka codka
lagu kala baxayo,waxaana uu ugu yeeray in ay kasoo qayb galaan.
Gudoomiye ku xigeenka Ururka Horcad Sayid Cali Diiriye Nuur
Sayid Cali Nuur ayaa uga mahadceliyay bulshadii kasoo qayb gashay shirweynihii
kowaad ee Ururka waxaanu uu sheegay in Ururku uu yahay mid dhamaan bulshada
ufuran ayna kusoo dhoweynayaan gacmo furan.







Comments