Boosaaso ( SPR ) : Nuur Jaamac Cabdi oo ah aabe Soomaaliyeed oo mudo 25 sano la xanuunsanaa Cudurka kansarka,kaasi kaga dhacay lugta bidix ayaa ka codsaday Muslimiinta iyo walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa in ay caawiyaan.
Nuur Jaamac oo ah aabe 70 jir ayaa lugta laga jaray ilaa 2 jeer ,waxaana hada loo sheegay in markii sadexaad laga jarayo,iyadoona uu halis u yahay in uu ku faafo jirka intiisa kale.
Aabahani mahaysto dhaqaale,waxaana dhakhaatiirtu ay u sheegeen in aan dalka gudihiisa wax looga qaban karin,iyadoona xanuunka uu cudurkani ku hayo uu yahay mid aanu la seexan ayna u dheer tahay taah joogta ah.
Hadaba walaalaha muslimiinta ee khayrka jecel waxaa laga codsanayaa in ay soo gargaaraan aabahani,iyadoona wiixi kaalmo ah loogu soo hagaajin karo 00252-90789501 oo uu wato walaalkii Siciid Jaamac Cabdi Ama taleefonka kale 00252-90745817 oo uu wato Axmed Jaamac Cabdi






