Muqdisho ( SPR ) : Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dhagaysiga dacwada kiiska loo haysto Wariye C/casiis koronto iyo gabadha uu warka ka qoray ee sheegtay in la kufsaday,iyadoona maalmo kale lagu daray soo afjarida kiiskani.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay dacwada kiiskani oo adag darteed ay maalmo kale ku dareen ka baaran dagideeda,iyadoona xeer ilaalinta iyo qareenada u doodaya wariyaha iyo gabadha uu ka codsaday in ay soo gudbiyaan dacwadooda.
Gudomiyaha ayaa sheegay Arbacad soo socota in markale laysaga imaan doono dhagaysiga kiiska,iyadoona mudadaasi ay socon doonaan baaritaanka garsoorka ee dacwadaha loo soo gudbiyay.
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa horay ugu xukuntay Wariye C/casiis koronto iyo gabadha
uu ka qoray warbixinta lagu xiray ee kufsiga ah,iyadoona mudo sanad ah ay ka dhigtay mudada
xarigiisa taasi oo ay bahada saxaafada iyo caalamkuba ay cambaareeyeen.






