Banner
Monday, February 18 2013

DAAWO: Somaalida Minneapolis Oo Badalay Qariirada Magaaladaasi Iyo Musharax Abdi Warsame Oo Ka Warbixinaayo Halgankii Ay U Galeen

Written by Abdi-Qudus Salah

Minneapolis (SPR): Bilowgii sanadkii hore ee 2012 ayaa gudi somaaliyed oo la magacbaxay Citizens Committee for Fair Re-districting soo bandhigay degmo cusub oo qariirada kusoo biirta. Gudigaan ayaa himiladoodu ahayd helis degmo ka kooban xaafadaha Somaalida islamarkaana u gogol xaarayso guulo siyaasadeed qowmiyada Somaalida. Gudigaas oo la yimid hindisaha dib u qorida qariirada ayaa ku guulaystay in ay hantaan degmo isku xirayso xaafadaha Somaalidu ay ka degaan koonfurta magaalada Minneapolis. Jaraa'idyada kasoo baxo gobolka Minnesota oo si weyn u hadal haayey ololaha Somaalidu ay ugu jirtay dib u qorida qariirada ayaa ku tilmaamay natiijada qariirada cusub guul usoo hooyatay qowmiyada Somaalida.

Idaacada SPR ayaa waraysi la yeelatay gudoomiyihii gudigaasi, haatan'na ah musharaxa golaha degaanka degmada Lixaad ee Magaalada Minneapolis aqoonyahan Abdi Warsame. Musharaxa ayaa ka warbixiyey halgankii dheeraa ay u galeen dib u qorida qariirada xaafadaha Minneapolis isagoona tilmaamay in ujeedadoodu ahayd in ay mideeyaan qowmiyada Somaalida si ay fursad siyaasadeed u helaan.

Daawo barnaamij aad u xiisa badan.

Related Video

Comments 

 
0 #5 HORMARKA MPLS 2013-03-10 12:37
Quoting Xamareey:
war somaalida minneapolis caadi ma aha. Somaliyaa wax ka tari lahaydeen hadaad anfac leedihiin. Mareekan dad baa iska leh orda oo dalkiina ku noqda.


XAMAREEY.....WAXAN U MALAYNAYAA INAA TAHAY DADKII SOMALIYA SOO CUNAY MARKA WALIGABA WAA KA SOO HOR JEESATAA QOFKIII WAX FIICAN KU DHAQAAQA ALLAHA KU TOO SIYO SOMALI TEXI DRIVER AH BAA TAHAY LAKIN WAX KA FIICAN BA U QALANTA .........
Quote
 
 
-1 #4 Xamareey 2013-02-19 12:54
war somaalida minneapolis caadi ma aha. Somaliyaa wax ka tari lahaydeen hadaad anfac leedihiin. Mareekan dad baa iska leh orda oo dalkiina ku noqda.
Quote
 
 
+1 #3 Cawil Cisman 2013-02-19 10:10
Caadi ma aha. Waa barnaamij qurux badan. Aad bay u mahadsanyihiin dhalinyarada qariirada badashay.
Quote
 
 
+1 #2 Xaydar Yare 2013-02-19 08:21
Great program, the re-districting process was a exemplaray act for Somali's elsewhere. Guulaysta Somaalida Minnesota.
Quote
 
 
0 #1 Fartun Tima-Jilic 2013-02-19 08:20
Waa barnaamij fiican. Waa muhiim somaalida in ay xaqooda raadsadaan. Waad ku mahadsantihiin SPR.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos