South Africa ( SPR ) : Xulka Kubada cagta dalka Nigeria ayaa u soo gudbay semi finalka koobka Qaramada qaarada Afrika kadib markii ay 2-1 kaga badisay xulka kubada cagta dalka Ivory Coast.
Xulka dalka Nigeria ayaa wareegii hore ee ciyaarta ku hogaaminayay hanaan wanaagsan oo isku dhiidhiibka kubada ah,iyadoona weerar xoogan ay ku hayeen shabaqa goolka xulka Ivory Cost,taasi oo u sahashay in daqiiqadii 42 aad ee ciyaarta ay helaan goolkii ugu horeeyay uuna u dhaliyay ciyaaryahan Emmanuel Emenike.
Waxaa dib laysugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayna ku hogaaminaysay Nigeria 1 gool waxaase Ivory Cost ay soo laabatay rajadeedii ciyaarta daqiiqadii 50 aad markii Chiek Tiote uu kubad madaxa ah u dhaliyay kooxdiisa kubad uu ka helay Drogba.
Daqiiqadii 78aad ee ciyaarta waxaa goolkii guusha u dhaliyay kooxdiisa ciyaar yahay Sunday Mba,taasi oo soo afmeertay rajadii ay lahayd kooxda Ivory Cost.
Dhanka kale ciyaartii xiisaha badnayd ee loogu gudbayay Semi Finalka ayaa waxaa ay dhex martay Burkino Faso iyo Togo,waxaana ciyaartaasi 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay ay ku dhamaatay gool la aan,waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah taasi oo ugu suurta gashay Burkino Faso ciyaar yahankeeda Jonathan Pitroipa daqiiqadii 105 in uu goolkii guusha u dhaliyo xulkiisa.
6 bisha Febraury ayaa la filayaa Semi finalka Qaramada qaarada Africa in ay fooda isku daraan Afarta koox ee soo baxay kuwaasi oo kala ah
Mali vs Nijeria
Burkino Faso vs Ghana












