Muqdisho ( SPR ) : Waxaa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka socda tartan dhanka horumarka iyo dib usoo celinta bilicda caasimada kadib markii loo qabtay tartan lagu helayo abaal marin qaali ah 16 Degmo oo ku yaala Magaala madaxda dalka Soomaaliya.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 16 kamid ah degmooyinka Caasimada ay ka bilowdeen tartan loogu magac daray Todobaadka Ololaha nadaafadda,kaasi oo lagu helayo Abaal marin lacageed oo qaali ah.
Afhayeenka ayaa sheegay abaal marintu in ay tahay balan qaad uu sameeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya taasi oo gaaraysa ilaa 15,000 oo doolar Maraykanka ah,Waxaana ay dhiiri galin u noqonaysa Degmooyinka ku tartamaya helida lacagtaasi.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa tan iyo intii ay gacanta ku dhigtay dowlada waxaa ka socday Horumaro kala duwan oo dhanka dhismaha iyo nolosha ah,iyadoona halkaasi ay dib ugu laabanayeen qurba joogta iyo dadkii kale ee horay uga qaxay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay Muqdisho in ay tahay muraayadii qaranka Soomaaliya loona baahan yahay si laysaga arko in laga baxo guryaha bililiqada ah ee lahaysto iyo soo celintii bilicda caasimada,laguna heli karo in lays kaashado.






