Banner
Sunday, February 03 2013

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Uganda.

Written by Admin

Kambala ( SPR ) : Ilaa 500 oo Askari oo qayb ka noqonaya Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa tababar loogu soo gabagabeeyay Dalka Uganda,kadib mudo bilooyin ah oo tababar uu uga socday wadankaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in ciidamadan mudadii uu tababarka u socday ay qaateen tababaro ku aadan sidii ay awood ugu lahaan lahaayeen difaaca dalkooda.

Ciidamadan tababarka loo xiray ayaa kharashaadka ku baxayay waxaa gacan ka gaystay Midowga Yurub iyo Maraykanka,iyadoona sidoo kale ay tababarada ay qayb ka ahaayeen bixintiisa macalimiin Ajaanib ah.

Ciidamada Tababarka dhamaystay ayaa la filayaa in mudo ilaa 45 cisho ah ay sidoo kale qaataan taasi oo loogu wacyi galinayo gaar ahaana lagu barayo dibishiliinka iyo barida wadaniyada.

Tababarka ay ciidamadani dhamaysteen ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi uu sheegay dhowaan in ay bilaabeen isku dabaridka iyo habaynta ciidanka xooga dalka,haatana ay dayactiro ku wadaan xerooyinkoodii iyo cisbitaalkii ciidanka xooga dalka ee Muqdisho.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos