Boosaaso ( SPR ) : Kooxo hubaysan oo aan la garanayn haybtooda ayaa gudaha Boosaaso ku toogtay Allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse oo kamid ahaa Salaadiinta Puntland.
dad goob joogayaa ah ayaa u sheegay warbaahinta in dilka ay fuliyeen dhalinyaro watay tuutaha ciidanka oo ilaa 3 gaaraya,Waxaana ay ka baxsadeen goobta kadib markii ay dilka fuliyeen.
Baaritaano xoogan ayay wadaan Ciidanka Amaanka ee Magaalada Boosaaso,iyadoona aanay weli jiri cid loosoo qabtay dilkaasi.
Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa Suldaanka Beesha Ugaar Saleebaan ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay ahaa Isinka beeshaasi,waxaana dad yaqaanay suldaanka ay SPR u sheegeen in uu ahaa Marxuumku Allaha u naxariistee waxgaradka sida weyn uga shaqeeya dhex dhexaadinta beelaha iyo ka shaqaynta wanaaga reer Puntland.
Waa falkii ugu horeeyay ee Mudooyinka gudaha boosaaso xili maalin ah lagu toogto,lamana oga cida ka dambaysa dilkani






