London ( SPR ) : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud io wafdi uu hogaaminayo oo gaaray xarunta dalka Ingisriiska ee London ayaa halkaasi kula kulmay qaar kamid ah Madxda sar sare ee dalkaasi,iyadoona saacadaha soo aadan la filayo in uu la kulmo Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Socdaalka Madaxweynaha ee Ingiriiska waxaa ku wehelinaya Raysal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu inta uu jooga London uu kulamo la qaadanayaa Madaxda dalkaasi,iyadoona sidoo kale uu la kumi doono jaaliyada Soomaalida ee dalkaasi Ingiriiska,kuwaasi oo uu uga warbixin doono xaalada dalka iyo isbadalada ay dowladu samaysay intii ay xukunka haysay.
Wararka aanu ka helayno London ayaa sheegaya in ay socoto qaban qaabo ay qaar kamid ah Jaaliyada Soomaalida ee London ku doonayaan in ay uga banaabaxaan Imaanshiyaha madaxweynaha iyaga oo dhaliilaya qaabka Maamul ee uu madaxweynuhu haatan wax u wado.






