Nairobo ( SPR ) : Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku geeriyooday Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubooyinka,Waxaana mudooyinkii dambe uu ku xanuusanayay magaaladaasi.
Marxuumka ayaa kahor inta aanu dhiman waxaa qorshaysnaa in loo qaado Cisbitaal dalka India ku yaala,hase ahaatee waxaa dhamaaday wakhtigiisii,Waxaana uu u hoyday gurigiisii rasmiga ahaa.
Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo Aqoon dheer u leh Allaha u naxaiistee Suldaanka ayaa ka warbixinaya Taariikhdiisii.






