Boosaaso ( SPR ) :Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ka hadlay u jeedka socdaalkiisa deegaanada Puntland xili wafdi uu ka tirsan yahay oo ka socda Jubooyinka ay Booqasho ku joogaan gudaha Puntland.
Ismaaciil Maxamad Garay,Gudoomiyaha Magaalada Gaarisa ayaa ku sheegay u jeedkooda
imaanshiyaha Puntland in ay tahay hagaajinta xiriirka labada dhinac iyo ka wada
shaqaynta horumarinta adeegyada bulshada.
Ismaaciil ayaa sheegay in Puntland iyo Gaarisa ay noqondoonaan bahwadaag wada shaqaysa uuna jiri doono xiriir toos ah oo labada dhinac dhex mara gaar ahaan Arimaha dhaqaalaha iyo horumarinta Adeegyada guud ee Bulshada.
Su aalo qaar ayaa dadku iska weydiinayeen Imaanshiyaha socdaalka Wafdiga Gaarisa
iyo waxa keenay in ay isku lamaanaadaan Wafdiga kale ee Jubooyinka ka socda
mana jirto wax aan ka ahayn ka wada shaqaynta Arimaha dhaqaalaha iyo xiiriirka
labada dhinac oo uu kala hadlayay gudoomiyaha Gaarisa Puntland.
Magaalada Gaarisa waxaa ay ku taalaa dalka Kenya,mana jirin war saxaafadeed ay dowlada
Kenya kasoo saartay socdaalka Masuulkani ee Puntland.






