Banner
Sunday, January 13 2013

Muxu Tabayaa Gobolka Haylaan.(Faallo W/Q Maxamed Cawil)

Written by Admins

 

Muxu Tabaya Gobolka Haylaan.

Ugu horeyn ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh (SW) ii suuragaliyay inaan qoro maqaalkan kooban.

Waxaan jeclahay inaan akhristayaasha usoo bandhigo maqaal kooban oo la magac baxay muxu tabaya gobolka haylaan.

1998 ayeey ahayd markii ay garowe isugu tageen wax garad, isimo ka kala yimi gobolada waqooyi bari ee dalka soomaliya waxaana halkaa lagaga dhawaaqay dawlad goboledka Puntland oo ka koobnayd 5gobol iyo hal dagmo(Nugaal,Sanaag,Bari,Mudug,sool iyo degmada Buhoodle) kadib markii la arkay baaxada degaanada Puntland iyo baahida loo qabo gobola cusub in lagu kordhiyo Puntland ayeey dawladu goboladi hore ku kordhisay 3gobol oo cusub oo kala ah, Karkaar oo laga jaray gobolka bari caasimadiisuna waa magalada qardho, gobolka cayn oo caasimadiisu tahay magalada buhoodle iyo gobolka haylaan oo laga jaray gobolka Sanaag caasimadiisuna tahay magaalada dhahar, waana gobolki ugu danbeeyay ay Puntland magacawdo.

Muhiimada u gobolku leeyahay.

Gobolka haylaan muhiimad balaaran ayuu u leeyahay bulshada ku dhaqan, haday ahaan lahayd mid siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulshaba sida:

  • Degmooyin cusub oo loo magacaabo magaalooyinka qaar
  • Asaasida kaabayasha dawladeed iyo kuwa bulsho ( xarumaha dawlada)
  • Hirgalinta cashuuraha gobolka & miisaaniyad gaar oo loo qoondeeyo gobolka.

Kuwaas oo dhammaan fursad shaqo siinaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale wuxuu iyana muhiimad balaaran oo (strategic) ah uleeyahay dawlada Puntland maadama gobolku ku yaal dhanka waqooyi ee Puntland oo ah degaano ay maamulka Somaliland ku andacoodo shegashadooda walaw aaney ahayn shegasho xaqiiq & raadtoona salka ku haysa, sidoo kale waa gobolka ayaa xuduud laa leh  4gobol oo puntland ah  kuwaaso kala ah bari, Karkaar , Sanaag iyo sool.

Maamulka Puntland wuxuu jirsaday sanadkii 15aad mana jiro wax waxqabad ah oo uu ka fuliyay gobolada Sanaag & haylaan , waana degaano aan wax badan oo horumar ah la wadaagin gobolada kale ee Puntland, waxaase xusid mudan in maamulka Puntland ee hada jira u hirgaliyay magacaabista gobolka haylaan taas oo ah talabada kaliya ee horumarka ah oo u maamulka Puntland ka hirgalyay goboladaas.

Inaga oo kasoo hadalnay muhiimada uu gobolkani uleeyahay bulshada ku nool degaankaas, hadaba waxa jira dad farabadan oo kunool degaanadaas oo aan dareensaneyn muhiimadaas, marka aad qaar ka mida bulshada kala hadasho arinta gobolka iyo sidii loo anbaqaadi laha horumarkiisa waxaad ka dareemaysaa niyad jab iyo raja xumo ay marwalba muujinayaan, iyaga oo leh waxba lama qaban karo,waxba ma suurtoobi karaan iyaga oo aan marnaba isku day samaynayn taas oo caqabad weyn ku ah dadaalka & ka mira dhalinta loogu jiro sidii u gobolku horumar u gaari laha bulshaduna ay uga faa’idaysan lahayd.

Sidoo kale waxaa jira qaar ka mida bulshada oo jecel inay arkaan horumarka gobolka aaminsana in wax la qaban karo balse jecel inay arkaan wax walba oo qabsoomay iyaguna aaney door kuyeelan taas oo ah caqabad kale , sababto ah waxaaney dareensaneyn degaan inaanu horumar ka surtoobi Karin hadaanu ka iman maskaxda, muruqa & maalka bulshada ku nool degaanka.

Horumarka degaan ku talaabsado ama dib u dhaca soo food saara labaduba waxay iftiimiyaan tusaale cadna u yihiin sidaay ukala hormarsan yihiin bulshada ku nool degaamadaas, degaanka horumarku ka jiro waxaan shaki ku jirin in bulshadiisu tahay mid ka shaqaysa kuna dadaasha horumarka degaankooda waana bulsho iskuxiran oo abaabulan, balse waxaan sidoo kale shaki ku jirin in degaanka dib udhacu ku yimi ay bulshadisu tahay bulsho aan isku xirnayn oo aan garanayn danta kawada dhexaysa taas oo kaliftay inay ka gaabiyaan horumarka degaankooda.

Ugu danbeyntii waa in bulshadu dareenta in gobolku yahay gobol cusub kana shaqeeyan horumarkiisa, waxaynu ognahay in gobolku yahay gobol ilaahay ku manaystay kheyraad farabadan oo isugu jira xoolo, kallun iyo macaadin, balse ay u baahan tahay shaqo farabadan sidii looga faa’idaysan laha kheyraadkaas, taasna waxaa lagu gaari karaa bulshada oo la timaada dadaal, karti, niyadsami, aragtidheer iyo isku duubni. Waxaa kaloo loo bahan yahay in dhamaan wax garadka gobolka iyaga oo isku duuban ay raadiyaan xuquqda gobolka & tan bulsho ee kaga maqan maamulka Puntland, sidoo kale qurbajoogta gobolka ee kusugan dunida dacaladeeda oo ah kuwa u gobolku tabayo waa inay gacan weyn ka geystaan horumarka gobolka maalgashina ay ku sameeyaan gobolka.

Waxaan kusoo gabagabaynaaya maahmaahda ah.

Ruuxba dhiishu ruxduu caanihiisa dhamaa

 

W/Q. Mohamed Awil Abdullahi.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Comments 

 
0 #2 khallif omar farah 2013-02-14 08:52
walaal mohamed awil marka kowaad wxaan kaga mahadcelinaya falaadada ad iyo ad uqiimaha badan marka xigga anigu waxaan qabaa inay bulshada haylaan marka kowaad iyadu isku tashato maxa yelay anigu waxaan aminsanahay markad wax la timaado ayaa wax lagula qaban karaa lakin inta reer haylaan ay cid kale wax ka sugayaan waxaan aminsanayah inanay cidina wax uqabanay
Quote
 
 
0 #1 ciise siciid 2013-02-02 03:47
walaal max'ed hadalkiisu wuxuu ubaahamyahay inay bulshada haylaan ficil ubadalaan kana bilaabaan midnimadooda oo ah tan sababi karta hor markooda iyo helida xuqooqdooda bulshanimo kana dheeraadaan wax kasta oo a

yaga kala dilikara .
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos