Khartuum ( SPR ) : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku jooga dalka Sudan ayaa waxaa uu kulan kula qaatay Khartuum Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al bashiir iyo Golihiisa Wasiirada kadib casuumaad gaar ah oo ay u sameeyeen Madaxweynaha.
Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo maal mihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa dalkaasi ayaa Madaxweynaha iyo shacabka Sudan waxaa uu ku amaanay horumarka ay sameeyeen,isagoona ka mahadceliyay taageerada ay Sudan siiso Soomaaliya,gaar ahaana dhanka Waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Waxaa uu ka qayb galay furitaankii biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu la kulmay arday Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka dhigta dalka Sudan, Wuxaana uu u sheegay in ay ka faa iideystaan fursada ay heystaan,Soomaaliyana ay iyaga sugeyso loogana fadhiyo in ay dalka dib ugu soo laabtaan iyaga oo u faa iideynaya shacabkooda.






