Boosaaso ( SPR ) : Wasiirka Aminga Puntland ayaa ka digay khatar ay Alshabab galiyaan
Maamulkooda. Xili ay siyaasado isdiidani ay haatan ka jiraan
Deegaanada Puntland.
Khaliif Ciise Mudan Wasiirka AMniga Puntland ayaa isaga oo ka hadlayay
shir Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay Boosaaso ayuu sheegay in
Alshabab kadib markii ay kusoo jabeen Koonfurta Soomaaliya ay haatan
kusoo wajahan yihiin Deegaanada Puntland.
" Waxaa ay rabaan in ay hoy ka dhigtaan buuraheena casha,taasina wax soconaya ma aha " ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Wasiirka Amniga Puntland Waxaa uu ka digay cid kasta oo khal khal galinaysa
Amaanka Deegaankooda in aanay ka yeeli doonin,Waxaana uu shacabka ka codsaday
in ay kala shaqeeyaan Amaanka.
Alshabab ayaa farisiino kuleh Buuralayd Gal gala ee Gobolka Bari,iyadoona
weeraro hore oo halkaasi ay kasoo qaadeen ay ku dileen Askar ka tirsan
Ciidamada Puntland.
Xiisada siyaasadeed ee ka jirta Puntland ayaa dadku ay ka cabsi qabaan in ay dhaliso
isku dhac,taasi oo waxyeeli karta Amaankii iyo xasiloonidii ay ku jireen shacabka
kala duwan ee deegaanada Puntland.






