Muqdisho ( SPR ) : Maamulka gobolka banaadir ayaa Tababar ufuray qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada deegaanka Gobolka Banaadir,kuwaasi oo la doonayo in ay u howl galaan qaadista canshuuraha caasimada iyo ilaalinta nadaafada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in ciidanka ilaalada deeganka,gaar ahaana dhalinyarada haatan la tababaryo ay ay mas uul ka yihiin sidii ay bulshada u bari lahaayeen nidaamka wadaniyada,gaar ahaana sidii ay si wanaagsan uga qaadi lahaayeen bulshada adeega lagu leeyahay,iyagana kooda loogu fulin lahaa.
Gudoomiyuhu waxaa uu kula dardaarmay Askarta loo tababarayo ilalaada deeganka in ay iska ilaaliyaan musuqmaasuqa oo dhabar jab weyn ku ah qaranka maadaama canshuuruhu yihiin mida nidaamka dowladnimo lagu wadayo.
Ciidamadani uu tababarka u furay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la doonayaa in ay isbadal ku sameeyaan Nidaamkii canshuuraha ee caasimada oo horay uu u hareeyay Musuq maasuq.






