Kismaayo ( SPR ) : Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoos e ayaa wehel u noqotay maal mihii aynu soo dhaafnay dilka Nabadoonada iyo dadka waxgaradka ah,iyadoona gudaha magaaladaasi afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay lagu dilay Nabadoon halka mid kale lagu dhaawacay.
Mid kamid ah Nabadoonada Gobolka oo loosoo gaabiyay magaciisa C/llaahi ayaa maanta ay kooxo hubaysani ay ku dhaawaceen gudaha magaalada Kismaayo,iyadoona dhaawaciisa loo lala cararay Cisbitaalka kadib markii ay kooxahii toogtay ay ka tageen markii ay rasaaseeyeen.
Dhacdadana ayaa imaanaysa xili maamulka KMG ee magaalada Kismaayo,gaar ahaan Ururka Raaskambooni gudoomiyihiisa Axmed Madoobe lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilkii Nabadoon Ismaaciil Maxamad Nuur,iyadoona dhanka Raaskambooni ay beeniyeen Eedayntaasi.
Magaalada Kismaayo waxaa maal mihii u dambeeyay dilka ugu badan ee ka dhaca uu noqday mid lagu beegsanayo Waxgaradka,iyadoona aan si rasmi ah loo ogayn cida ka dambaysa,maadaama weli ay Magaaladu tahay goob colaadeed.






