Muqdisho ( SPR ) : Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Xiriirka ay Dowladiisu la leedahay Kenya,Arimaha Jubooyinka,Dhaqaalaha ay Dowladu shaqdeeda ku socodsiiso,Wadahadalo dhexmara Alshabab iyo dowlada,Arimaha Isbaarooyinka Muqdisho iyo halka ay ku dambeeyeen wadahadaladii ay Dowlada Soomaaliya iyo Somali land ay wada lahaayeen.
Waraysi uu Madaxweynuhu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu uga hadlay Arimo badan oo la xiriira Mustaqbalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ay dowladiisu ku doonayso in ay dib ugu soo celiso sumacadii ay Soomaaliya lahayd.
Ugu horayn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay waxyaabihii dowladiisa u qabsoomay iyo waxyaabaha haatan horyaala ee ay doonayaan in ay wax ka qabtaan.
Isbaarooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynuhu sheegay in ay wax weyn ka qabteen ayna qaadeen Tobanaan Isbaaro,haatana ay ku guda jiraan sidii loosoo gabagabayn lahaa.
Shaqooyinka Dowlada ee xiligani Horyaal ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in aanay hayn dhaqaale dibad uga yimi oo ay wax uga qabtaan,hase ahaatee ay ku tiirsan yihiin Dhaqaalihii ay gudaha ka heleen iyo Lacago ay dad Qurbajoog Soomaaliyeed ay dowlada ugu deeqeen.
Madaxweynuhu waxaa uu booqashooyin dhowr ah ku tagay dalal dibada ah,kamana mid ah Dalka Kenya,Waxaana jiray hadal hayn ah in uu xun yahay Xiriirka Dowlada iyo Kenya,hadaba madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Arintaasi iyo Xaalka Gobolada Jobooyinka.
Waxaa jiray hakad yar oo soo galay Wadahadaladii Dowlada iyo Somali land u dhexeeyay,Waxaana uu ka jawaabay Madaxweynuhu waxyaabihii hakadkaasi keenay.
Soo xulista Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo jagooyinka sar sare ee Dowlada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh dadka dhaliila dowladiisa ay ku eedeeyeen in uu siiyay Dad ku jiray Xisbigii uu madaxda ka ahaa.







Comments