Badhan ( SPR ) : Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa bilaabay dhismaha saldhigyada
Ciidanka Booliska Deegaanada Gobolka,iyadoona sidoo kale ay wadaan qorshayaal
ay ku doonayaan in la tababaro Ciidamo boolis ah oo u howl galaya
Amaanka iyo Canshuuraha Gobolka.
Maxamuud Ismaaciil Ciyoon,gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa
Waraysi uu siiyay SPR waxaa uu kaga warbixiyay Arimaha Amaanka gobolka
oo ay dar dar galiyeen,maadaama Amnigu uu yahay shayga ugu horeeya
ee ay Bulshadu u baahan tahay.
Sidoo kale Ciyoon ayaa sheegay in ay Bilaabeen Arimaha Canshuuraha Degmooyinka
Gobolka Sanaag,Waxaana uu ugu baaqay Qurba joogta Deegaanka kasoo jeeda in ay
ka qayb qaataan Arimaha canshuur arurinta.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon







Comments
waxaan soo jeedinayaa in la garab galo gude iyo debadba, anaga intayada joogta South Wales waanu u cadeynay inaanu garab taagan nahay.
Ciyoona waxaanu leenahay guulayso adiga iyo team ka kula shaqayna