Muqdisho ( SPR ) : Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku diray qaar kamida ah saraakiisha ciidamada ee ku eedeysan Musuq maasuq iyo khiyaano ay u gaysteen Qaranka.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cabdi Yarow ayaa sheegay in Taliyihii hore Ciidamada Asluubta uu ku lug lahaa sii deynta Maxaabiis ahaa eedeysanayaal xukun sugayaal ah isaga iyo Garsooraha,laguna helay dambi ah khiyaano qaran.
Agaasimihii Garsoorka Maxkamada Ciidamada Xasan Liibiya ayaa lagu eedeeyay in uu Taliyaha ka gacan siiyay sii daynta rag badan oo dambiilayaal ahaa,ayna ku jireen Rag lagu tuhun sanaa Alshabab.
Halkan ka dhagayso Codka G.M.Ciidamada Qalabka Sida Liibaan
Download






