Galkacayo ( SPR ) : Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Siciid ayaa ka jawaabay eedeyn Maamulkooda uga timi Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland oo ku eedeeyay in Maamulka Galmudug ay si ula kac ah Madaafiic ugu soo tureen dhanka Puntland.
Aweys oo Shir Jaraa id ku qabtay Galkacay ayaa ku tilmaamay hadalado Masuuliyiinta Puntland kazoo yeeraya in ay yihiin kuwo colaad hurinaya,ayna haboon tahay hadii ay jirto cabasho ama tuhun in laga wada xiriiro oo aan la hanjabin.
Gudoomiye ku xigeenka Waxaa uu ku tilmaamay Madaafiicda ay Masuuliyiinta Puntland sheegeen in dhankooda ay kusoo dhacday in ay ahayd Rasaas habow ah,aysana jirin wax si kas ah dhankooda uga yimi hase ahaatee ay jirtay Howl gal ay Ciidamadoodu maalintii shalay kula dagaalamayeen Kooxo isbaara dhigatay Deegaanka Galmudug.
Hadalka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa yimi kadib shir jaraa id oo uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Maxamuud Jaamac Tigay uu ku eedeeyay Galmudug in ay dhanka Puntland ay madaafiic si ula kac ah ay ugu soo tuurtay.
Halkan ka dhagayso Codka Maxamuud Jaamac Tigay G.G Mudug ee Puntland
Download
Tigay ayaa sheegay in aanay nabad ka qaadan Karin arimo badan oo ay Galmudug ku carqaladaynayso daris wanaaga,aana kamid ahayn heshiiskii 1993 sida nabada ah Galkacayo lagu wada dagay,waxaana uu codsaday in si deg deg ah lagu soo daayo Dad rayid ah oo madax furasho loogu haysto Galkacayo,ayna tahya wax aan la qaadan Karin.






