Banner
Friday, December 07 2012

Khaalid Mishcal oo gaaray Gaza 45-sano ka dib.

Written by Admins

 GAZA( SPR):- Waxaa maanta magaalada Gaza soo gaaray madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas , Khaalid Mishcal, oo muddo lagu sheegay 45-sano ka maqnaa dalka.

Mishcal oo maanta oo Jimce ah soo gaaray dalka Falastiin ayaa waxaa ku weheliyey booqashadiisa xubno ka tirsan ururka Xamaas, waxayna ka soo galeen dhanka Masar.

Booqashadan oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu halkaas khudbado ka jeediyo Khaalid Mishcal , iyadoo loo dabaal-degaayo sanad guuradii 25-sano ee kasoo wareegtay tan iyo markii dhidibada loo taagey ururka Xamaas.

Khaalid Mishcal ayaa noqday madaxa xafiisa siyaasadda ee ururka Xamaas sanadkii 2004, waxa uuna ku noolaa dalal badan  oo ay ka mid yihiin, Jordan, Syria iyo waddamo badan oo Carab ah.

Booqashadan taariikhiga ah ee uu Khaalid Mishcal ku tegey dhulka Falaastiin ayaa timid maalmo ka dib markii ay joogsadeen dagaalkii u dhexeeyey Israil iyo Falastiin oo ay ku dhinteen tiro badan oo dad ah.

Mishcal waxa uu ka bad-baaday sanadkii 1997 isku day dil oo la rabay in lagu khaarijiyo oo ay soo abaabushay Israil.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos