Muqdisho ( SPR ) :Ciidamada booliska ee Aaga Suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka sababay dhaawaca ee Bam gacmeedka lagu weeraray Suuqa Bakaaraha.
ku dhowaad 15 qof ayaa ku dhaawacmay inta la ogyahay weerarkaasi,waxaana dad goob joogayaal
ah ay sheegeen Bam gacmeedkaas in lagu weeraray Taliye ku xigeenka Booliska oo xiligaasi
suuqa ku sugnaa iyadoona aanay jirin wax khasaara ah oo Sarkaalka soo gaaray.
Dadka dhaawacmay oo u badnaa rayid ayaa la geeyay cisbitaalada,iyadoona ciidanka
booliska ee aagaasi ay sheegeen in dad badan ay qaraxaasi u qabteen,gaar ahaana
ay gacanta ku dhigeen shakhsigii fuliyay qaraxaasi.
Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weeraro sidan oo kala ah lagula
eegtay Ciidamada Booliska oo khasaarooyin kala duwan ay kasoo gaareen,waxaana
ay dhacdadan ay daba joogtaa weeraro 24-kii saac ee aynu soo dhaafnay ka dhacay qaybo
kala duwan oo Magaalada Muqdisho ah.






