Boosaaso ( SPR ) : Siyaasi C/llaahi Siciid Samatar oo ah Musharax Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Boosaaso,iyadoona ay ka qayb galeen soo dhoweyntiisa Odoyaal,Siyaasiyiin,Masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo Dadweyne aad u fara badan.
C/llaahi Siciid Samatar oo kasoo socdaalay Wadanka Imaaraadka ayaa barqanimadii Maanta waxaa uu kasoo degay Garoonka Boosaaso,Waxaana markii uu soo gaaray Gudaha Boosaaso uu hadal kooban ku siiyay Saxaafada uuna kaga hadlay Mowqifkiisa Doorashada Puntland.
Samatar ayaa sheegay in uu yahay Musharax Madaxweyne,mana ogoli ayuu yiri sanadka ay dowlada Puntland ku darsatay,Madaxweynaha Xilka haya waxaa uu wakhtigiisu ku egyahay ayuu yiri 07 January 2013,wixii wakhtigaasi ka dambeeyana waxaa talada la wareegaya Madaxweyne cusub.
Download






