Ankara ( SPR ) : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka
Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Abdala Guul,waxaana ay ka wada
hadleen xaalada Labada dal iyo gaar ahaan tan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Taageerada
ay Dowladiisu u hayso shacabka Soomaaliyeed,iyadoona abaalka ay Turkigu
Soomaaliya u galeen uu sheegay in aan la ilaawi doonin.
Madaxweynaha Turkiga Abdala Guul ayaa dhankiisa uga mahad naqay Madaxweyne
Xasan Booqashada uu dalkooda ku yimi,waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan
taageerada ay shacabka Soomaaliyeed siiyaan.
Turkiga ayaa taageero dhinacyo badan u fidiya Soomaaliya,gaar ahaan Dhanka Bini
Aadanimida,Wax barashada iyo dib u dhiska Dalka






