Boosaaso ( SPR ) : Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigtay Maydadka Afar Nin
oo ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen Alshabab,gaar ahaana dagaal kula
galay Ciidamada Puntland Deegaanka Sugure ee Duleedka Boosaaso.
Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir Jaraa id ku qabtay
Gudaha Magaalada Boosaaso ayaa ku sheegay Maydadka ay kusoo bandhigeen
Cisbitaalka Boosaaso in ay ahaayeen 4 Nin oo ah Ka tirsan kooxihii weerarka
kusoo qaaday Ciidankooda.
Waxaana ay ahaayeen ayuu yiri Wasiirku 7 iyadoona 3 kamid ah Maydkooda
ay uga yimaadeen goobtii dagaalka ama lagu aasay,Waxaana uu sidoo
kale tacsi ka diray khasaaraha in ka badan 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka
Puntland kuna dhintay Miina la kacday Gaarigii ay saarnaayeen.
Download
Hadalka Maamulka Puntland ayaa yimi kadib dagaal xoogan oo ka dhacay habeenkii
xalay Deegaanka Galgala,halkaasi oo Ciidamo taageersan Alshabab iyo kuwa
Puntland ay isku fara saareen.






