Dhahar (SPR): Wafti balaaran uu horkacayo wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland, Cabdi Faarax Juxa, wasiir-kuxigeenka wasaarada waxbarashada C/laahi Maxamed Bootaan ayaa soo gaaray magaala madaxda gobolka Haylaan ee Dhahar, iyadoo booqashadoodu ay ku salaysnayd kormeer guud ay dhawaanahaanba ku maraayeen degmooyin katirsan gobolada Haylaan iyo Karkaar.
Wasiirka wasaarada Waxbarashada Puntland iyo wafdigiisi ayaa waxaa duuleedka magaalada kaga hortagay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Haylaan uu horkacayo gudoomiyaha gobolka, mudane Maxamed Faarax Ciise (Jeentaro), gudoomiyaha waxbarashada gobolka Haylaan Cabdi Maxamed Rowje, gudoomiyaha Maxkamada Sare ee gobolka Sheikh Ibrahim Aadan Jaamac iyo maamulayaasha goobaha tacliinta ee gobolka Haylaan.
Wasiirka iyo waftigiisi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida loo soo dhaweeyey islamarkaana u sheegay ardayda iyo macalimiinta goobaha waxbarashada gobolka Haylaan, in wasaaradu ay ka go’antahay ayna haatan usoo jeesatay horumarinta iyo kor u qaadida goobaha tacliinta ee gobolka Haylaan.
Wasiirka ayaa ardayda dugsiyada waydiiyeen deeqaha waxbarsho ee dibadda oo inta badan ay sheegeen in laga qadiyay deegaanada ka baxsan wadada dheer ee laamiga gaar ahaan gobolada Sanaag iyo Haylaan. isagoo arintaasi ka jawaabay waxaa uu sheegay Mr Juxa inay xooga saarayaan taageeridda waxbarshada deegaanada ka baxsan wadada laamiga, isagoo hay’adaha ugu baaqay inay yimaadeen oo ay mashaariicda ka hirgaliyaan gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka iyo wafdigiisi ayaa sidoo kale booqday degmooyinka Xingalool iyo Baraagaha-Qol ee Haylaan, iyagoo dhawaan la filaayo in ay gaari doo’naan gobolka Sanaaag oo jaarka la ah gobolka Haylaan.
Si kastaba ha ahaatee, waa socdaalkii u horeeyey uu wasiirka waxbarashada Puntland uu kusoo gaaray gobolka Haylaan oo kamid ah 8da gobol ee Puntland.







Comments