Bosaaso (SPR): Waxaa magaalada Bosaaso looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo loogu magacdaray UGUB, una taagan Ururka Goboladda Umadda Bahowday. Xisbigaan ayaa waxaa hogaaminaaya gudoomiyihii hore ee gobolka Sanaag, mudane Saciid Nuur Dabeyl. Munaasabadaan ururka loogu daah furay ayaa waxaa waxaa kasoo qayb galay; adayaal dhaqameed, culumaa'udiin, aqoonyahan oo dhamaantood muujiyey taageerida ay u hayaan xisbigaan siyaasadeed iyo guud ahaan nidaamka dimuqraadiyada ay Puntland u talaabsatay.
Gudoomiyaha xisbiga oo kamid ahaa dadkii goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu xisbigani horseedi doona cadaalad, isagoona islamarkaana amaanay nidaamka asxaabta badan ay Puntland ku talaabsatay. Hadaladiisuna waxaa kamid ahaa; "’Aad bad u mahadsantihiin ,wan soo dhoweyneynaa dhamaan bulshada ,Dowladda iyadaa noo bilowdey tartanka ,axsaabta kale wan ku faraxsanahay inay nagala soo qaybgalaa’’ ayuu yiri Gudoomiye Dabeyl.
Nabadoon Caraale Siciid iyo Suldaan Cabdilaahi Jeenicad ayaa soo dhooweeyey urur siyaasadeedkan qayb ka noqonaya dadaalka Puntland uga baxayso nidaamkii wax ku qaybsiga Qabiilka oo in badan lagu soo dhaqmayey.
Waa urur siyaasadeedkii ugu horeeyey oo Puntland looga dhawaaqo ,waxana sida la sheegey jidka ku soo jira kuwo kale dhowaan oo ku soo beegmaya xili ay muddo kooban ka dhimantahay diiwaagelinta ururada iyo axsaabta siyaasada Puntland.
Mudane Saciid Nuur Dabeyl ayaa ahaa gudoomiyaha gobolka Sanaag muddo 10 sano, isagoona lugu xusuusto dedaal badan in uu u galay in Gobolka Somaliland la wareegin. Saciid Nur ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaatay la dagaalanka burcadbadeeda.
Hoos ka DAAWO sawirada:






