Yube ( SPR ) : Maamulka Gobolka Sanaag ayaa Guul ku tilmaamay kahortag ay Ciidamada Daraawiishta Puntland ay kaga horistaageen Somali land in ay Deegaanada Gobolka ay soo galiso Sanaadiiqda Doorashada,gar ahaana cod bixinta Doorashooyinka Golyaasha Deegaanka ee Maamulkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon oo Shir Jraa id ku qabtay
jiida hore ee Taliska Ciidanka Darawiishta Gobolka Sanaag,gaar ahaan Deegaanka
Yube ayaa kaga warbixiyay Guulaha ay Ciidanku kasoo hoyeen kahortaga
Kooxo uu sheegay in ay soo duuleen.
Gudoomiye Ciyoon waxaa uu ugu hanbalyeeyay Madaxweynaha iyo Shacabka Puntland
guusha ay ka gaareen in ay kaga hortagaan sida uu sheegay duulaanka gar darada ah ee
Maamulka Somali land ay kusoo qaadeen Deegaanada Gobolada Sanaag iyo Hay land.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa rabshado iyo shaqaaqooyin la xiriira Arimaha Doorashooyinka Somali land waxaa ay ka dheceen Deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag iyo Hay land,taasi oo dhalisay in ay Labada Maamul ee Somali land iyo Puntland ay Ciidamo fara badan soo dhoobaan xuduudaha Deegaanada ay ka kala taliyaan ee Goboladaasi.







Comments
bixinta Doorashooyinka Golyaasha Deegaanka ee Maamulkaasi.