Banner
Saturday, November 24 2012

DAAWO: Dood Xasaasi Oo La Xiriirta Maamul U Samaynta Gobolada Jubooyinka

Written by Abdi-Qudus Salah

Minneapolis (SPR): Tan iyo goortii laga saaray xarakada Al-Shabaab magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose, ayaa waxaa isi soo taraayey afkaar kala gedisan oo ku aadan maamul u samaynta gobolada jubooyinka iyo waliba cida rasmiga ah oo ku haboon in ay dardar galisay maamulkaasi. Sidoo kale, qabsashada magaalada Kismaayo ayaa dhiirigalisay islamarkaana xoojisay fikir horay u jiray oo ah in maamul guud loo sameeyo gobalada Jubooyinka, xili inta badan gobaladaasi ay wali ku suganyihiin dagaalyahanada Al Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya. Magaalada Nairobi ayaa waxaa dhawaan kasocday kulamo looga arinsanayo maamul u samaynta gobaladaasi, waxaana kulamadaasi qayb ah isla markaana soo qaban qaabiyay Urur gobaleedka IGAD.

Waxaa sidoo kale dhawaan ka bilaabmay magaalada Kismaayo, qaban qaabo aad u balaadhan oo ku aadan shirweynaha maamul u samaynta Jubooyinka oo dhawaan la filaayo in uu ka furmo magaalada Kismaayo. Arimahaan oo idil ayaa kusoo aadayo xilli dowlada Somaaliya ay si toos ah uga biyo diiday qaabka loo wado maamul u samaynta Jubooyinka, iyadoona ku eedaysay dowlada Kenya in ay faragalin toos ah ku hayso arimahaasi.

Hadaba barnaamijka fadhi ku dirir oo ah barnaamij dood wadaag ah oo si toos ah looga daawado magaalooyinka Minneapolis iyo Saint Paul ayaa qabtay dood ku aadan maamul u samaynta Jubooyinka, iyadoo la iswaydiiyey su'aalo badan oo ay kamid yihiin; Yaa ka mas'uul ah maamul u samaynta Jubooyinka? Kaalin intee le'eg bay gacmo shisheeye ku leeyihiin khilaafadkani? Dastuur dalka Somaaliya muxuu ka qabaa gobolo isu taga oo maamul samaysa? Maxay tahay sababta ay dowlada ill gaar ahi ugu hayso arimaha Jubooyinka?

Barnaamijka qaybta kowaad: http://www.youtube.com/watch?v=kDfoXFUJkV4

Barnaamijka qaybta labaad: http://www.youtube.com/watch?v=KsnAPQFSvPo

Barnaamijka waxaa inoogu marti ah:
 
 
Cabdulqaadir Suldaan Daahir Suldaan Cali Sonkor: Aasaasaha Jubaland Youth Org.
Madaxweyne Kuxigeenka Sher International: Ismaaciil Cabdulle
Ganacsate: Qaasim C/kariim Cilmi
Afhayeenka Jaaliyada Jubooyinka: Caaqil Cabdullahi Raabi.

Barnaamijkaan ayaa waxaa daadihinaaya: Abdulqudus Nur Salah (Donyale)

 

Related Video

Comments 

 
0 #6 Runsheeg 2012-11-25 09:08
very good, outstanding job. congratulations Bigg boss i realy liked
Quote
 
 
+1 #5 Fadhi Ku Dirir 2012-11-24 16:34
waa qosol miiran. kan leh baydhabo wax ma yaalaan, kismaayo se maxaa yaala Somaali islaweyni aan sal lahayn baa ku jirto.
Quote
 
 
0 #4 Somaali 2012-11-24 15:59
walee waa fadhi ku dirir la qurxiyey. Kismaayo bay nugu waaleen. Kismaayo ilaah baa iska leh, ilaah ka sokowna dowlada somaaliye. Kenya ma aha meesha waa somaaliya.
Quote
 
 
0 #3 Run Sheege 2012-11-24 15:38
madaxweynaha waa saxan yahay mana mudno qabiil in uu meesha qabsado. Somaali qabiil way soo aragtay, mana aha in jabhad loo ogaalaado in dowlada isu taagto.
Quote
 
 
0 #2 daawade 2012-11-24 14:56
walaahi, dooda way isu dheela tirnay. Waxaan ku qoslay "Damjadiid waa dhiig cusub oo hada la daadinaayo" ku ye. kkkkkkkk
Quote
 
 
0 #1 Jaamac Ceel 2012-11-24 14:22
Waa dood aad u wacan. Madaxwaynaha waa cadaystay mowqifkiisi, wuxuuna rabaa in dagaal qabiil soo celiyo. Caaqil Raabi si fiican buu u hadlay.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos