Banner
Wednesday, November 14 2012

WARAYSI SPR : Maamulka Gobolka Sanaag oo been abuur ku tilmaamay Ciidamo Somali land ah oo soo gaaray Laasqoray.

Written by Admin

Xingalool ( SPR ) : Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa ka hadlay warar ay qaar kamid ah Warbaahintu ay sheegeen,gaar ahaana tilmaamaya in Ciidamo Somali land ah ay gaareen Degmada Laas qoray.

Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa isaga oo ku sugan Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag waxaa Waraysi uu siiyay Idaacada SPR uu ku beeniyay Warar sheegaya Imaanshaha Somali land ee Laasqoray,kuna tilmaamay warar fadhi ku dirar ah.

HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA

Download

MP3 KU DHAGEYSO HALKAN

"Puntland ayaa ka talisa Laasqoray,waana deegaan Puntland ah,wax soo dhoweyn ah iyo wax u yeela Somali land ma jiraan Laasqoray,Fara galina kuma soo samayn karaan,hadii ay isku dayaan Ciidamada amar ayay qabaan oo gacan bir ah ay wax kaga qabtaan" Ayuu  yiri Gudoomiye Ciyoon isaga oo ka jawaabayay Su aal ay SPR ka weydiisay Wararka laysla dhex marayo ee ku aadan in deegaanka Laasqoray ay Ciidamo Somali land ah ay gaareen.

Dhanka kale waxaa uu gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu kaga warbixinayaa waraysiga uu siiyay Idaacada SPR safarada ay ku marayaan deegaanada Gobolka Sanaag isaga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gaashaanle sare Axmed Siciid.

Gudoomiyaha oo xiliga uu waraysiga siinayay SPR ku sugnaa Xingalool ayaa safarkiisa deegaankaasi waxaa uu uga soo kicitamay Degmada Badhan,isagoona soo maray Ceelbuu,waxaana uu socdaalka xiga uu sheegay in uu ku tagi doono Hadaaftimo iyo Laasqoray.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Gaashaanle Axmed Siciid ayaa dhowaan waxaa maamulka gobolkaasi usoo magacaabay Madaxweyne C/raxmaan Faroole,iyagoona soo dhoweyn balaaran kala kulmay dadka deegaanka iyo Jaaliyadaha Dibada ee Gobolkaasi u dhashay.

Comments 

 
0 #13 M oodle 2013-02-25 12:03
Asc Somaliand waxay soo dirtaa niman mandiqada u dhashay oo busaarad ku raagay kadibna waxay Isugu yeedhaan dadka xayraanka ah oo qayilaadu u goysay Shan Shan dollar ayey siiyaan calanka Somaliand ayey wax yar ruxaan kadibna siilaanyo ayaa qosla oo mushaharka nimankaas ayuu yiraahdaa hala siiyo. Waa intaas waxa meesha Ka jira. Hadii Somaliand ay run sheegeyso maxay doorashooyinkii degaanka ugu qaban weyday degmooyinkaas inta ay hadba usoo dirayso Wiil xaafada ah oo shilimaad yar iyo qayilaad soo qaatay' warsangeli dhulbahante oo kale maaha oo layskuma diri Karo nin xoogaa shilimaad ah soo qaatayna dan ay Ka leeyihiin ma jirto laakiin ciidamo isaaq ah ma imaan Karaan dhulkooda isaaqna waa ogyahay arrintaas' Marka siilaanyo sxb hadba laba tv iyo laba weriye iyo soo dir Wiil qayilaad U baahan oo xayraan ah
Quote
 
 
0 #12 M oodle 2013-02-25 12:00
Asc Somaliand waxay soo dirtaa niman mandiqada u dhashay oo busaarad ku raagay kadibna waxay Isugu yeedhaan dadka xayraanka ah oo qayilaadu u goysay Shan Shan dollar ayey siiyaan calanka Somaliand ayey wax yar ruxaan kadibna siilaanyo ayaa qosla oo mushaharka nimankaas ayuu yiraahdaa hala siiyo. Waa intaas waxa meesha Ka jira. Hadii Somaliand ay run sheegeyso maxay doorashooyinkii degaanka ugu qaban weyday degmooyinkaas inta ay hadba usoo dirayso Wiil xaafada ah oo shilimaad yar iyo qayilaad soo qaatay' warsangeli dhulbahante oo kale maaha oo layskuma diri Karo nin xoogaa shilimaad ah soo qaatayna dan ay Ka leeyihiin ma jirto laakiin ciidamo isaaq ah ma imaan Karaan dhulkooda isaaqna waa ogyahay arrintaas' Marka siilaanyo sxb hadba laba tv iyo laba weriye iyo soo dir Wiil qayilaad U baahan oo xayraan ah
Quote
 
 
0 #11 blair 2012-12-27 01:21
Siciid ayaa dhowaan waxaa maamulka gobolkaasi usoo magacaabay Madaxweyne C/raxmaan Faroole,iyagoon a soo dhoweyn balaaran kala kulmay

ice making machine
Quote
 
 
0 #10 somali wayn 2012-12-02 00:52
dadka reer sanaag waxn u sheegi lahaa inay iska daayaan dhuuni nimada oo ay noqdan dad meel uun loogu hagaago leh
... wayeel ciiroleba cuno xumada waa ceebe dhan un isu raaca
Quote
 
 
0 #9 hanuuniye 2012-11-18 11:51
ma been baan isu sheegnaa sowtaynu ka daawanay tv yada ilayn maanta lama joogo xilli la yidhaahdo waxaasi way dhaceen iyo may dhicin maanta wax wallba warbaahinta ayaa lagala socdaa waxaa dhab ah inay nu arkay xildhibaanu sheegaya oo shirjaraaid ku qabtay gudaha badhan iyo talaiyaha ciidnan maamulka somaliland oo dhakhtarka badhan iy saldhigyada booqanaya iyo gudoomiyaha maamulka somaliland ee badhan oo calanka somaliland iyo madaxweyana maamulka somaliland A.SILANYO UU DUL SUDHAN YAHAY YAAN BEEN LA SIU SHEEGIN
Quote
 
 
+1 #8 ali 2012-11-17 12:32
asc asxaabta ninkii hadlayaba ha hadlo lasqoray anaga ayaa keenay somaliland ah somaliland waligiiba faroole daba yaaca oo meelahaas coment ku qora
Quote
 
 
0 #7 ceelaayo 2012-11-14 18:27
talo maakhir state taageera reer maakhirow putland iyo soomalind tan ma u ahayaan umada hana laga wac yi geli yo
Quote
 
 
0 #6 khaalid yare 2012-11-14 18:22
dhamaan waan idin salaamay reer maakhr waxaan idiin soo jeedinayaa talo wanaag 1 waxaan leeyahay ka shaqay midnal wadajirka kana waa tooma beenta ay idiin sheegayaan labada maamul ee kala ah putland iyo soomaliland ,,,, reer maakhir tan umahayaan ,waxaan igula talin lahaa in aad itin ku samay sataan maamul madax banaan oo xor ah kana mid maamulada ka jira dalka ..waxaan kale aan idiin sheegayaa inta aad hadal haysaan labadaa maamul in iidan wax noqo nayn wax na qab sanay
Quote
 
 
0 #5 Cabdalla 2012-11-14 11:32
Aad bay u mahadsanyihiin idaacada SPR waraysiga ay la yeesheen gudoomiyaha gobolka Sanaag. SNMtu iyo kuwa u adeegaba propaganda raqiis bay wadaan, waxaana lugu xaqiijin karaa waa in la waraysto dadka dalka joogo oo u warhaya waxa meesha ka jira.

Waad mahadsantihiin.
Quote
 
 
+1 #4 Buraan 2012-11-14 11:04
Somali land iyo Puntland uun yaynaan u dhaxayn reer Maakhiroow
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Discussing the LRT Impact (Dont Pass Us By)

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos