Boosaaso ( SPR ) : Mudadii Qaran jabka lagu guda jiray oo shirar is feer socday Soomaalida loogu
qabtay dalalka Ithopia,Kenya,Jabuuti iyo Masar,shirarkaasi hubanti ma noqon in ay kasoo baxaan
heshiis hirgalin karay dib u hanashadda dowlad Soomaaliyeed.
22-sano ka dib,markii ugu horaysay waxaa hogaamiye dhaqameedka,waxgaradka
iyo hogaanka Siyaasadda oo ay kor ka illaalinayeen beesha caalmka ay ku gaareen
magaalada Muqdisho heshiis horseeday in la isku afgarto arrimo fara badan oo ay
ugu muhiimsanaayeen;-
1-Ansixinta Dastuurkii qabyo qoraalka ahaa.
2-Soo xullida hay'ada sharci dajinta Soomaaliya.
3-Iyo doorashadda Madaxweynaha dalka iyo guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Ansixinta dastuurka wuxuu gogol xaar u noqday in laga gudbo nidaamka KMG ahaa oo ahaa nidaam dib
u socod ah oo natiijadiisu ay noqotay ''Dhaan daba gaale''.
Madaxweynaha dalka waxaa loo doortay Xassan Sheekh Maxamuud oo ku guulaystay cod
aqlabiyad leh,sababta keentay in cod aqlabiyd leh uu ku guulaysto madaxweynaha dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaa waxa sal dhig u ahaa in la helo isbadal Siyaasadeed oo dhab ah,kaas
oo la jaan qaada waayaha cusub ee la filayo in ay u guuraan umadda Soomaaliyeed.
Muddo dhowr iyo labaatan maalmood ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ka war sugayeen Madaxweynaha in uu magacaabo Wasiirka kowaad ee Xukuumadiisa,waxaa todobaadkan uu madaxweynuhu uu Ra'iisul wasaaraha dalka u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon''Saacid'' oo ah ganacsade galaan-gal Siyaasadeed leh.
In kasta oo dadka qaarkiis uu ku cusub yahay Ra'iisul Wasaaraha cusub,hadana wuxuu ka mid ahaa Siyaasiyiintii u xusul duubayay in sanadkii 2010 loo magacaabo Ra'iisul Wasaaraha dalka,ka hor inta aan la magacaabin Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Aan u daadago dulucda Faaladda.
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo hogaanka u qabanaya dowladii
ugu horaysay oo Federaal ah oo ay yeelato umadda Soomaaliyeed,waxa laga
sugayaa in uu wax ka qabto arrimaha Siyaasadeed iyo bulsho ee umadda Soomaaliyeed.
Amaanka Dalka.
Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Soomaaliya wuxuu kusoo beegmay xilli dowladda
Federaalka Soomaaliya ay la wareegtay gobolo fara badan oo ku yaala Koonfurta
dalka,iayaga oo taageero ka helaya ciidamadda Amison.
Dowladdu waxay ku jirtaa dagaal ka dhan ah Ururka Al'shabaab oo wali gacanta
ku haya qaybo ka mid ah goboladda Koomnfureed ee dalka,waxana dalka ku sugan
ciidamo ka socda dowladdaha Itopia,Kenya,Jabuuti,Uganda iyo Burundi oo taageero
siinaya dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo Soomaaliyeed.
Marka laga shidaal qaato ciidamada faraha badan een ku sugan dalka oo aan la aqoon
xilliga ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya, waxaana aan la iska indho tiri Karin in dowlada
Soomaaliyeed aysan lahayn ciidamo dhamaystiran.
Wax ka qabashadda amaanka iyo dhismaha ciidamo tayo leh oo ay yeesho dalku waxay
ka mid yihiin arrimaha horyaala Ra'iisul wasaaraha dalka,iayada oo taariikhdu ay ina
barayso in ay dowladaha dariska ah aysan raalli ka ahayn in dalku uu helo ciidamo
tayo leh,si aan boorka looga jafin Siyaasadda Soomaaliwayn.
Hirgalinta nidaamka Federaalka.
Markii ugu horaysay ayaa umadda Soomaaliyeed ay qaateen nidaamka Federaalka,waxaana
nidaamkaasi buuxiyay maamulka Puntland oo ah maamul dhisnaa muddo dhan 14-sano.
Waxa dalka ka jira maamul goboleedyo kale oo aan buuxin shuruudaha maamul goboleed
ay ku noqon karaan,xilli Dastuurka dalku uu qeexatyo in ay maamul goboleed dhisan
karaan karaan laba gobol iyo in ka badan.
Waxaa kale oo jira beelo ku hawlan in ay dhistaan maamul goboleed dhigiisa ah
Puntland oo loo baahan yahayin la waafajiyo shuruucda dalka iyo rabitaanka
dadweynaha ku nool goboladda laga samaynayo maamul goboleedyadda.
Hirgalinta nidaamkan oo ay ka hor iman karaan caqabado fara badan ayaa ah
mid hirgalintiisu ay u baahan tahay aqoon iyo karti.
Siyaasadda Dibadda iyo dhismaha Xukuumadda.
Siyaasadda arrimaha dibadu waa mid ka mid ah hawl bowlayaasha ugu muhiimsan
dowladda,waayo in adduunyadda laga iibiyo rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeed,xilli
dowladaha Khaliijka,wadamadda Afrika,Maraykanka iyo reer galbeedku hannaanka ay
kula macaamilaan Soomaaliya uusan ahayn mid hal wadiiqo abaara.
1-Dhismaha Xukuumad tayo leh.
2-Dib u soo noolaynta midnimadda umadda Soomaaliyeed.
3-Xoojinta xiriirka maamuladda taageersan Federaalka iyo dib u dhiska dalku.
waxay ka mid yihiin qodobadda safka hore kaga jira waxyaaha laga sugayo ra'iisul wasaaraha cusub.
Hadaba Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dowlada Federaalka,maka gudbi doonaa caqabadaha horyaala,mise Filimkii 22-sano ee la soo dhafay aan daawanay ayaan dib u daawan doonaa?.
Cabdi Qani Cabdullaahi Cabdi
Bosaso-Puntland- Soomaaliya.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it .
Aragtida faaladu qoraaga ayay gaar u tahay.







Comments