Minneapolis (SPR): Barnaamijka loogu magac darey "Run to Unite" waa barnaamij oo ay soo abaabuleen hay'ada American Refugee Commitee (ARC) iyo waliba ururka la magac baxay I am Star, kaasoo looga dan leeyahay sidii deeqo loogu ururin lahaa dadka danyarta Soomaaliya ku dhibaateysan. Munaasabadan oo ay soo abaabuleen ARC ayaa waxaa lagu qaban doonaa goobta Minnehaha Park ee magaalada Minneapolis maalinta sabtida taariikhdu marka ay tahay Oct/20/2012.
Hadaba Khadra Cabdisalaan oo kamid ah suxufiyiinta ka howl-gala Idaacada SPR iyo Idacada KFAI ayaa waxay wareysi dhinacyo badan Shukri oo ka mid ah shaqaalaha hay'ada gargaarka qaxootiga ee ARC, iyadoo waliba ay dad weyne fara badan ay soo wacayeen barnaamijkan Somali Public Radio fiidnimadii xalay.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA
AMA HALKAN TAABO SI AAD UGU DHAGEYSATO MPR
Hadii aad dooneyso inaad is diiwaan galiso waxaad si aad ula orodo halyeyga, orodyahanka Soomaaliyeed Cabdi BIle Cabdi oo munaasabadaasi kasoo qeyb gali doona, toos usoo wac numberka 612-872-7060 ama booqo shabakada www.runtounite.org







Comments
ice machine