Minneapolis (SPR): Mareykanka ayaa loo yaqaanaa dhulkii muhaajiriinta isla markaasina ah dalka caalamka ugu sinjiyadaha kala duwan ay ku noolyihiin ayaa waxaa boqolkii sano ee ugu dambeeyey la isku dayay is dhexgalka qowmiyadaha kala duwan ee dalkaasi ku nool iyo waliba sidii ay isku af garan lahaayeen.
Tababar dhaxal-gal ah oo ay qabatey hay’ada maxaliga ah ee Incommons, laguna qabtey magaalada Minneapolis ayaa ku saabsanaa isdhexgalka iyo barashada qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa lagu qabtey xarunta Philips ee magaalada Minneapolis kaasoo oo ay kasoo qeyb galeen qowmiyada badan oo ay ka midyihiin Somalida, Native Americans, Oromada, Cadaanka kala sinjiyado kaloo badan.
Idaacada SPR oo casuumaad ka heshey in ay ka qeyb galaan tababarkan socday todobaadka ayaa waxaa uga qeyb galay Ciise Cali Jaamac oo ah wariye ka mid ah SPR.
Ciise Cali Jaamac oo uga warbixinaya Saalax Doonyaale tababarkaasi ayaa sheegey in waxyaabihii ugu yaabka badnaa uu kala kulmay ay ahayd dhaqamada kala duwan iyo waliba diimaha uu halkaasi kusoo bartey. Ciise ayaa sheegey in mar ay soo bandhigeen qaabkii bundubowga oo ay Soomaalidii hore roobka u baryi jirtey mar ay sameeyeen uu roob isla goorihii uu soo da’ay oo ay qowmiyadihii kale yaabeen…. Waxyaabaha ay qowmiyaha kale la yaabeen oo markaasi ay aamin sanaayeen ayaa ka mid ah in ay Somalidu Canshuuraha bixin laakiin markii dambe ay kororsadeen in Somalidu tahay dad aynan dowladu iska caawiyin ee shaqeysta.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKII
MP3 AHAAN HALKAN UGU DHAGEYSO
HOOS KA DAAWO SAWIRADII BARNAAMIJKA











Comments
ice maker