Ceel-Daahir (SPR): Idaacada Bulshada Somaaliyeed ee Somali Public Radio oo dhawaan booqasho ku tagtay degmada Ceel-Daahir ee galbeedka gobolka Bari ayaa ku aragtay magaaladaasi oo dhismayaal farabada ka socdo. Dhismayaasha ayaa waxaa kamid ah hoteelo, guryo isugu jir kuwa dan-yar loo dhisaayo iyo kuwa qurba-joog dhisanaayaan. Sidoo kale waxaa socdo dhismo masaajid jameeco, school boarding ah, koronto, iyo biyo galin. Duuleedka magaalada ayaa sidoo kale waxaa ka socdo dedaalo lugu horumarinaayo beeraha, iyadoo qiimaha beeraha degmadani ee qaarkood kor u dhaafeen $45kun ee doolarka mareekanka.
Magaalada Ceel-Daahir ayaa waxay qiyaastii u jirtaa magaalada Bosaaso 90 kilometer, iyadoo degmadani ku taal barta ay ka weecdaan gadiidka ukala goosha gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari. Degaanka Ceel-Daahir ayaa sidoo kale caan ku ah wax sooraarka dalaga beeraha, kuwaasoo loo suuq geeyey magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bari.
Warbixino horay aan idiin kusoo bandhignay ayaad ku aragteen duuleedka magaalada Ceel-Daahir oo ka bilowday nidaamayn xaafad cusub oo ay dhawaan dhisan doonaan qurba joogta kasoo jeeda degaamada Galbeedka Gobolka Bari. xaafadaan cusub ayaa waxay dhirirkeedu yahay 1.5 Kilometer oo uu kala badho laamiga dheer ee isku xira guud ahaan geyiga Somaaliya.
Magaaladani ayaa si xawli ah u korayso, iyadoo la filaayo in ay kamid noqoto magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Bari. Waxaa dhawaan idiin soo gudbin doon'naa waraysiyo codad ah oo aynu la yeelanay maamulka degmada iyo qaar katirsan bulshada rayidka.
Hoos Ka Daawo Sawiro:

















Comments
Idaacada SPR aad bay u mahadsanyihiin.