Ceel-Daahir (SPR): Duuleedka magaalada Ceel-Daahir ayaa waxaa dhawaan ka bilowday nidaamayn xaafad cusub oo ay dhawaan dhisan doonaan qurba joogta kasoo jeeda degaamada Galbeedka Gobolka Bari. xaafadaan cusub ayaa waxay dhirirkeedu yahay 1.5 Kilometer oo uu kala badho laamiga dheer ee isku xira guud ahaan geyiga Somaaliya.
Magaalada Ceel-Daahir ayaa waxay qiyaastii u jirtaa magaalada Bosaaso 90 kilometer, iyadoo degmadani ku taal barta ay ka weecdaan gadiidka ukala goosha gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari. Degaanka Ceel-Daahir ayaa sidoo kale caan ku ah wax sooraarka dalaga beeraha, kuwaasoo loo suuq geeyey magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bari.
Idaacad SPR oo dhawaan degaankaasi booqasho ku aragtay cagaf-cagafyo iyo agab kale oo ku hawlanaa qariidadayn xaafad cusub oo dhawaan laga dhisi doono ku dhawaad 100 guri. Idaacada SPR oo waraysi la yeelatay wadaha gadiid cagaf-cagaf mudane Yuusuf Maxamuud Irbad, oo xiligaasi ku guda jiray shaqada.
Mudane Yuusuf Maxamuud Irbad ayaa u sheegay idaacada SPR in ay ku guulaysteen in ay baneeyaan dhagaxyo, dhir, iyagoo simay guud ahaanba xaafada cusub. Wadaha gadiidka ayaa idaacada u sheegay in hawshani ay ku qaadatay muda 15 cisho, iyadoo haatan ay dhimantahay baneenta wadooyinka uuna dhawaan filaayo in uu ku guulaysan doono.
Gudoomiyaha gudiga abaabulka balaarinta degmada Ceel-Daahir, mudane Aadan Ciise oo uu waramayey idaacada SPR ayaa sheegay in mashruucani degaamaynta uu muda badan socday, ayna haatan ku hawlanyihiin wejigii dambe ee fulinta dhismayaal oo ay iibsan donaan qurba-joogta. Qurba-joogta ku dhaqan cariga Mareekanka ayaa ku balamay inay dhisaan 100 guri, masaajid, biyogalin, wakalad koronto, iyo adeegyada kale ee casriga.
Sidoo kale idaacada SPR oo booqatay goobta shaqada ka socoto ayaa kula kulantay abwaanka weyn ee Somaliyeed, Abwaan Maxamuud Cismaan Maxamuud (Fool-Dhuub), isagoo si weyn usoo dhaweeyey dhisida xaafadaan cusub ee duuleedka Ceel-Daahir. Abwaanka ayaa u hambalyeey qurba-joogta gobolada Sanaag, Haylaan, iyo Galbeedka Gobolka Bari, islamarkaana ugu baaqay in ay dhistaan xaafadaan cusub. Abwaanka ayaa sidoo kale ra'yigiisi ku cabiray tuduc murtiyeed, erayadiisina waxaa kamid ahaa;
Hoos ka dhagayso waraysiyada aanu la yeelanay Abwaan Fooldhuub iyo Yuusuf Irbad. Waxaan kaloo warkeena soo socdo idiin kusoo gudbin don'naa barnaamij maqal iyo muqaal ah oo aynu ka diyaarinay magaalada Ceel-Daahir, iyadoo magaalada aya ka socdaan dhismayaal iyo mashaariic farabadan.
Wareysiga Eng. Yuusuf M. Irbad
Wareysiga Col. Abwaan M. Cismaan Fooldhuub
















Comments
Alla meeshaas maxaan marey oo deegaameyn ku fiicanaa, Waa talaabo muqadas ah oo mudnayd in mar hore la qaado, aad boo loola daahey, Carmona waa in laga daba tagaa oo cariishyad yaala dhinaca soo xiga Ceelka waa ina la dhisaa iyadana, MJ waa inagu soo fideen, codsigeyga 2aadna waxa weeye Tolweynaha arinta haloo bandhigo oo tolka si guud arintaan ha u wada galo..
Guuleysta