Banner
Saturday, July 28 2012

Wasiir Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay) Oo Oofiyey Balanqaadyadiisi; Dhismayaasha Garoonka Kubad Cagta, Maxkamada Gobolka, Xarumo Waxbarasho Oo La Hirgaliyey (Daawo)

Written by Abdi-Qudus Salah

Dhahar (SPR): Wasiirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay) ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed, kuwaaso oo uu horay ugu balanqaaday shacabka gobolka Sanaag goortuu  xilka gudoomay. Mashaariicdaan ayaa waxaa kamid ah garoon kubadda cagta, dhismaha maxkamada darajada Kowaad ee gobolka, Sariibado, saldhigyo boolis iyo xarumo waxbarasho oo ay ka faa'idaysan doonaan shacabka gobolada Sanaag iyo Haylaan. Barnaamijyadan ayaa wada fulinayay maamulka S/land iyo Hay'ada SDC iyo Hay'ada Dhahar Construction Company oo madaxa ka yahay muwaadinka amaanta mudan Axmed Aadan Gurey.

Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay) oo ka hadlay munaasabado xarig jar oo taxano ah, islamarkaana si toos ah u furay mashaariicdaan ayaa sheegay in ay ka go'antahay wasaaradiisu inay hormariso gobolka Sanaag, iyadoo dadwaynaha looga fadhiyo sidii ay u joogtayn lahayeen xarumahaan loogu deeqay oo ay shaqo iyo faa'idooyin kaleba ay ka helayaan.

Sidoo kale, mulkiilaha shirkada Dhahar Construction Company oo ah shirkada mashaariicdaan fulisay, mudane Axmed Aadan Guray ayaa tilmaamay in uu dedaal badan u galay mashaariicdani iyo kuwa kaloo horay loo fuliyey, isagoo u mahad celiyay shacabka gobolada Sanaag iyo Haylaan oo uu ku tilmaamay shacab u heelan waxqabad.

Degmooyinka mashaariicda laga fuliyey waxaa kamid ah Dhahar, Baraagaha-Qol, Booda-cad, Balibusle, Xingalool iyo Daar-Asalaam.

Shacabka gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa aad usoo dhaweeyey mashaariicdaan, iyagoo amaanay wasiirka wasaarad horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay), kuna tilmaamay geesi waxqabad muujiyey. Suldaan Sahal Cabdi Cadde oo ka hadlay munaasabada xarig-jarka maxkamada sare ee gobolka Sanaag, ayaa ku tilmaamay wasiir Gacamay, halyeey mudan in lagarab istaago. Hadaladiisuna waxaa kamid ahaa, "taarikhda ayaa xusi doonta waxqabad wasaarada horumarinta degaanka iyo reer miyiga, siyaasi Dr.Gacamay'na waa siyaasiga kaliya horumar inoo keenay."

Magaalada Dhahar ayaa waxaa ka dhisan 17 naadiyo ee kubada cagta, iyadoo ciyaartoyda degmadani ay guulo farabadan ay soo ho'yeen ciyaaro ka dhacay Somaliland iyo Puntland'ba. Naadiyaha ugu caansan gobolka ayaa waxaa kamid ah naadiga idaacada SPR, White Horse, Telecom, Golis, New Galgala, Qunyar-Dega, iyo Naadiga Baraagaha-Qol. Tababaraha naadiga New Galgala, Maxamed Saciid Saalax oo goob-joog ka aha munaasabada xirg-jarka garoonka kubada cagta ayaa hambalyo u diray wasiirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, isagoo sheegay in wasiirka iyo mulkiilaha shirkada Dhahar Construction Company ay yihiin shaqsiyaad daneeyo horumarka dhalinyarada.

Si kastaba ha ahaatee, mashaariicdaan ayaa ah kuwii u badnaa abadan laga hirgaliyo gobolada Sanaag iyo Haylaan, iyadoo dhamaantood la hirgaliyey inta uu xilka haayey Dr. Maxamuud Saciid Gacamay. Afkaar uruurin ay idaacada SPR samaysay ayaa laga dheehan karaa ififaalooyin ka tarjumaayo taageerida baaxada weyn ay shacabka gobolka Sanaag  u hayaan wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland. Dr. Gacamay ayaa sidoo kale balan qaaday mashaariic kaloo hor-leh oo ay ku jiraan jaamacad iyo ceelal. mashaariicdaan iyo waxqabadkaan la taaban karo ayaa noqonaayo kuwa uu ku hananaayo wasiir Gacamay taageerida shacabka Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

SAWIRADII FURITAANKA GAROONKA KUBADA CAGTA EE DHAHAR

100_1072

100_1076

100_1085

100_1159

100_1086

100_1148

100_1103

100_1109

100_1126

100_1136

DAAWO SAWIRADII MAXKAMADA DEREJEDA KOOWAAD EE DHAHAR

100_1164

100_1152

100_1162

100_1163

100_1174

100_1180

100_1183

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADII SOO DHAWEYNTII WASIIRKA EE DEGMADA DHAHAR

 

HALKAN KA DAAWO SAWIRADII FURITAANKA ISKUULAADKA BARAAGAHA QOL IYO BALI BUSLE

 

 

Comments 

 
0 #37 mustafe 2012-08-24 08:34
waan idin salaamy akhiyaarta sharaf taleh:: waxan halkan han bal yo uga dirayaa wasiirka gacamay oo ah runtii halyeey warsan gali hadana utaagan in uuu horu mariyo deegaanad uu kasoo jeedo iyo dhulka soomaliyeed dhamaantii waxan lee yahay kuwaleh isaaq baa dhulka idinka qaadaya "" iska hadlow ina egare""
Quote
 
 
+3 #36 yasin 2012-08-04 14:03
dadkani qabiil uma baahna waxay wubahanyihiin waxii wax u qabta uun ilahow muu gaal cad ahaado garoonka somaliland ma qadanayso waxa ku ciyaaraya caruurtayn
Quote
 
 
+1 #35 wadaniga dhabta ah 2012-08-03 08:31
maansha alaah marhadii jamhuuriyada somaliland
wax qabadkeedii wada gadhay gobolda iyo degmooyinka oodhan waa wax lagufarxo dadka intii fayow ama aan xaasid ahayn ama qabiil curyaamina waytaageersan yihiin intii bugtana alla ha caafiyo
Quote
 
 
+1 #34 sanaag 2012-08-03 05:24
kan buuraan wata waa bastar mj ah waxuu donayaa warsangli isku diro nin warsangli sidaas uma hadlo walee anigu munafaqad mj ayaan aqaan bastar yahow kala dhax bax cayda tolka dhaxdiisa!!
Quote
 
 
-6 #33 burhaan 2012-08-01 13:07
waxaan u maleeynayaa raga idoorka ah ee warsangli iska dhigaya iyo kuwa maskaxda laga wasay waxaan leeyahay mid idinka idin taala maahan mustaqbalka iyo aayahay reer maakhir.......taaas waxeey ka godaa aqoonyahanada iyo siyaasiinta sharagte leh oo aan hoostagin idoor iyo cadowga daarood.........mida kale raga meeshan ku hadaaqaya aniga meeshii wax iga soo galayaan ayaan aadayaa dee maad yuuhood u tuugsi tagtid waxna kuu diidi maayaane.
Quote
 
 
+1 #32 fariiq xaaji 2012-08-01 11:21
waa wax lagu faano in aanu maanta yeelano wax lagu faani karo sida garoon iyo maxkamada darajada koowaad waxaan leeyahay dadka reer hayland iyo sanaag ka faaiidyta jaaniskan waa laydin ogolyahaye
Quote
 
 
+4 #31 dhaharboy 2012-08-01 09:44
BURHAN waxaad nagala dhamaan ladahayhadal bila micnah ah aduunkuna wasiyasad ee qabyalad kuma dhisan marka adeer anagaa danta yada kaa naqane cidii aad kabaha u qadayso adaay ku jirtaa
Quote
 
 
-2 #30 burhaan 2012-08-01 00:24
Wiilasha warsanlgi ee riwaayada loo shiday mid baan leeyahay war faysal cali waraabe shalay hadaladii uu lahaa miyeeynan maqlin.......erayadii foosha xumaa uu ku yiri odayaasha Daarood ee fadhiyaa xamar oo wanaaga iyo Islaamnimida ku hadlay..........war yaanan wax yaroo dhulka laguugu daadshay lagugu sirin rag waxaad ku tahay dadkaaga iyo dalkaaga not idoorland inaad ka mid nqootid ama aad daba dhacleeysid.
Quote
 
 
-2 #29 burhaan 2012-08-01 00:21
Mid baan leeyahay isaaqa warsangeli iska dhigaya.........MJ waa dad aan wada dhalanay ...blood is thicker than water...........adiga oo isaaq ahna wada dagaansho mooyee wax naga dhaxeeyo oo aan somalinimo aheeyna ma jirto taas waan ogahay inaadan hilmaamsaneeyn balse waa xasuusin........
Quote
 
 
+2 #28 booxaaro 2012-07-31 18:00
waan Idin salaamay mudanayaasha sharaftaleh.. runtii waxaan isku feker Dhownahay MUUSE, waddanku waa somaliay, waxaana reer maakhir ma'suuliyadi ka saaran tahay in ay wax ka dhisaan.Dalka somalia (bari,waqooyi iyo koonfurba)Marka a uma Arko in NINka warsangeli ee Waqooyi Xilka ka Haya la mucaarado.. iyadoo ay jiraan harti kale oo Waqooyi iyo bariba Xil ka haya. umana Arko in la mucaarado NInka majeerteen,ama Isaaq, ama Warsangeli ee koonfur Xilka ka haya in la caayo ama wax laga sheego.. waayo waxaan wadda nahay somalia.. waxaa loo wadda shaqaynayaana waa somalia.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos