Minneapolis (KFAI): Idaacada KFAI ee codka Soomaalida ayaa waxay wareysi dheer oo xiisa badan la yeelatey Sheekh C/qani “Qardhaawi” oo ka mid ah shuyuuqda ugu caansan ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool woqooyiga Amerika. Sheekh Qardhaawi ayaa waxaanu si qaas ah uga wareysaney mawduuca “Maxaa buriya Soonka” oo aynu su’aalo badan ka weydiiney waxyaabaha aad ku kasbankarto in aad soonkaagii buriso ama aad jabiso, sidoo kale waxyaabaha soonka ajarkiisa yareeya.
Waxaa ka mid ah su’aalihii sheekha uu ka jawaabay in ay burinayaan soonka iyo inkale iyo waliba waxyaabaha qofka Muslinka ah ku waajiba oo aanu si gaar ah u weydiiney, ( Dhunkashada, Fara ka ciyaarka ninka uu xaaskiisa la ciyaaro, Dhiiga caada, uurka, Naas nuujinta,Junuubka, Gacanta oo biyaha (shahwada) la isaga keeno, Qubeyska soonka ma buriyaa?, sidoo kale mataga, dhiiga cadeyga keena, candhuufta oo la liqo soonka ma jabisaa? Cirbadaha la qaato, dhiiga la shubo, ama lagugu shubo adoo sooman iyo wixii la mid ah).
Sidoo kale sheikh C/qani Qardhaawi ayaa waxaanu wax ka weydiiney maalinta ciida iyo in lagu afuro faxshiga iyo munkarka iyo in qofkii soonkii uu gutey markii hore ay wax u dhimayso. Waxaanu wax ka weydiiney arimaha quseeya Laylatul Qadri iyo waliba waxyaabaha banaan ciida iyo sida loo dabaal degi karo.







Comments