Sancda(SPR) Xukuumada Sanca ayaa waxaa ay dagaal kharaar kula jirtaa kooxda Al-qaacida ee ka dagaalanta qaar ka mid ah Gobollada dalkaasi Yemen, xili la sheegayo in ay Soomaali badan ka dagaalanto Gobolkaasi.
Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Yeman ayaa shaacisay in ay Argagixisada dagaal kharaar kula gashay gobolka Baydaa ee koonfurta dalkaasi, kaasi oo ay ku dishay in ka badan 30-dagaal yahan oo ay Soomaali ku jirto.
The Yemeni Post oo soo xiganaya wasaarada gaashaandhiga ee Yeman waxaa uu sheegay in dagaalka oo mudo kooban socday lagu dilay ilaa 36-dagaalyahan, iyadoo ay wasaarada Gaashaandhiga Yemen ay xustay in ay halkaasi ku dishay 5-dagaal yahan oo Soomaali ah.
“Weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay Baydaa, 5-ruux oo Soomaali ah ayaa ku jira dadka aanu dilnay waana ay cadahay oo waxay ka bar bar dagalamayeen Al-Qacida” ayey tiri wasaarada Gashandhiga Yemen.
Gobolka Baydaa ee Yeman dagaalkii ka dhacay waxaa gacan weyn ka geystay diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee aan cidna wadin kuwaasi oo duqayn culus sameeyey, waxaana caawinayey diyaarado Yeman leedahay iyo ciidanka dhulka dalkaasi.






