Banner
Thursday, May 03 2012

FAALADA AQRISTAHA: HAKU NASAN EE KU NAGAAD CEEL-DAAHIR

Written by Mohamed Aydiid
Bismilaah al-xamdulilaah , waxaan marka u mahadcelinyaa allaha shaykasta gacabtiisa kujiraan ahna kan leh mulkiga aduun iyo mulkiga aakhiro , mahadcelin ka dib , sidaad ka aragtaan ciwaanka runtii waxa uu xambaarsanyahay xigmad aad uweyn oo uu dareemikaro qofkasta oo maskaxdiisa iyo caqligiisuba si taam ah ushaqaynaya.hadii aan ugudagalo


WAA SIDEE XALADA MAGAALDA CEEL-DAAHIR

maagalada ceel-daahir waa magaalo kutaala laamiga waxay 90km ujirtaa magaalada bosaso , waxayna u dhaxaysaa magalda kalabaydh iyo magalada carmo , waa magaalo hada aad usoo koraysa waxaa kusoo badanaya dhismayaasha cusub iyo meheradaha ganacsiga taariikh ahaan magaalada ceel-daahir waxay ka facweyntahay magalooyinka laamiga ku taxan waxaana lagu tilmaama inay ka mid tahay magaaloyinka ugu facaweyn gayiga puntland . waa magalo leh jawi macan o dagan , magalada ceel-daahir waxay caan ku tahay dhul beeredka iyadoo xiliyada roobka halkaasi lagoosto dalaga labeeray ,
sidoo kale magaaladu waxay leedahay reer guuraa keena caanaha xoolaha oo la orankara waxay ka qaybqaatan dakhli maameeldka magalada , si aad ah waxay magaaladu ugu xirantahay magalada bosaso oo ay uga yimaadan safarta iyo agabka kale ee daruuriyaadka ah , sidoo kale xiliga kulaylaha  magalada CEEL-DAAHIR waxaa si aad ah usoo buuxdhaafsha dadka ka soo xagaa baxa magalda boosaso oo xiliga 4bilood ah ku qaata waqtigooda iyagoo ka hela jawi macan oo qabow leh roob iyo neecaw nafta uroon , waxay ka helaan malcaamadihii quraanka iyo dugsiyadii hoose/dhexe , waxay fursad u helaan inay magalada bosaso ka soo adeegtaan islamarkana ay usoo haydaan magalada . runtii faa'iidooyinka iyo muhiimadaha ay u leedahay bulshada ma ahan mid aan halkaan kusoo koo bikaro lakin ninkii u hoyaada garankara .


DHANKA DHUL'AHAAN

run'ahaantii dhulka ay kutaalo magalada ceel-dahir iyo dhamaan soonahaas waa dhul aad ugu muhiim ah bulshadena , inta maanta garowsan faa'iidada iyo ahmiyada uu leeyahay dhulkuna runtii aad bay inoogu yartahay , waxaa maanta dhaliil mudan ninka hurda oo aan lasocon xaalad iyo siyaasadi meesha ay marayso , hurada markaan leeyahay ma'ahan nin dul jiifa furaashkisa ee waa kan ka indha'la , kana dhaga'la , ogayna waxa uu haysto iyo waxa kamaqan waa kaas kan hurdaa . qiimaha dhulku leeyahay waxaa maanta garowsankara ninka dhulkiisa laga haysto awoodna aan ulahayn inuu soo ceshto , hadaan taariikhda waxyar dib u milicsano , ka dib colaadii dhexmartay beesha warsangali iyo beesha isaaq xiligii 90kii waxay ahyd mid keentay in 2dii beeloodba ay nabad qaataan hashiisna laga gaaro waxyaabihii colaada dhaliyay , salaadinti iyo nabadoonadii beeshii warsangali wey soo dhaweeyen nabadii waxayna ahyd taasi mid loo baahnaa kuna jirtay maslaxada umada somaliyed balantu waxay ahyd in lagu noqdo oo ladago lana dhisto magalada ceergaabo lakin taasi ma dhicin oo waxaa ku noqday dad aad u yar oo markaas aragtidoodu ahyd mid aad u fog . sidaas si lamid ah magalada carmo oo daris la'ah magalda ceel-dahir waxay ahyd meel warsangli dago balse markii dambe gacanta ka baxaday iyadoo uu sabab u ahyd xukuumadii xiligaas jirty oo lasoo safatay beesha hada dagta carmo balse waxay ku fiicanan lahyd inan intaas looga harin arinta carmo taasina ma suurtagalin hada waxaa daga beel kamid ah beelaha g/bari , waa magalo aad u dhismaysa xawliga ay kusocotana ay umuuqato inay fooda hore ku qaadato ceel-daahir iyo inta udhowba . waxa halkaas gaarsiiyayna waa bulshada deegaankaas oo u heelan una hamuunqaba horumarka iyo bilicda dhulkooda . waa suaale maxaa loo waayay dadkii reer ceel-daahir . waxan shaki kujirin in maanta aan laga warhayn dhulkii beesha aysana jirin wax umaqan iyo wax u cid ah , waa halka somalidu ka tiraahdo '' CIDNANA UMAMAQNA CEELNA UMAQODNA'' ninka dhahar ama baraagaha qol guri ka dhisanaya ma baqdin buu u baqaayaa in looga habsado dhulkiisa waa MAYA JAWABTU gurigaad ka dhisayso bosaso ama dhahar ama qol waxaa kaaga wanaagsan inaad ka dhisto CEEL-DAAHIR oo aan ognahay inay tahay magaalada aad maanta wax ku tahay , diilinta madow waa tan maanta dadka kala reebtay , hadii rafka laguugu iman waayay oo dawladi tiri waa DISPUTE AREA ama hay'adi tiri AMNI maahan iyadoo intaba waxba aysan kajirin oo laga samaynayo been abuur , imow oo dhiso oo horumari CEEL-DAAHIR umalaynmaayo dawlad iyo hay'ad oranaysa waa DISPUTE AREA ama amni maahan . tusaale waxaa idiin ku filan sida manta ay u calanwalaynayso tuulada halsano ka hor la asaasay ee DAARASALAAM oo loo asaasay arimo siyaasadeed  .


TALO WAA TAN RABIYEE TANA KU DARSO

waxaan ku talinyaa in maanta loo istaago horumarka iyo dib udhiska magaalooyinkeena stragitjiga ah oo ay ugu horeeyaan LAAG , CEEL-DAAHIR , JIMBAC ,  CEELAAYO , GALGALA , AF'URUR ., MARAJE IYO CARMO .waxaan leeyahay ninka doonaya inuu maanta dhul horumariyo waxa horumarin inoo ka baahan magalooyinka laamiga , ninka maanta daar dhisanaya ama beero samaysanaya magaalooyinka laamiga hayimaado , jaaliyadaha qurbajoogta beesha haylan iyo bari waxan leeyahay war dhulkiina maalgashta oo horumarsada biil aad soo dirtaa waxba sheegimaayo lakin company aad latimaadan faa'iiduu keenin , mashaariic aad u keentaan bulshada iyo horumar aad soo kordhisaan baa la'idiinka fadhiyaa , waxad umaqantihiin waa bulshda hala arko waxaad lamaqantihiin , hala midoobo oo afkaarta siyaasadana iyo tan horumarka deegaanka hala mideeyo . haloo istaago sidii loo soo celin lahaa hantidii gacanta ka baxady ( dhulka ) iyo dadkii ciida hoosmaray dadkay ku maqanyihiin ( nabad ama colaad ) .

Comments 

 
0 #2 Eng : maxamuud cawad 2012-11-12 11:52
Bismillaah,waxa an halkaan uga mahad naqayaa walaalkeen maxamed caydiid xaaji nuur waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay baraarujintan iyo talo soo jeedintan alle hakaa abaal siiyo fikirka wanaagsan ee aad umadaada iyo shacabkaaga waxaana ku dadaaleynaa hadaanu nahay cidda ay fariintani ku socoto in aan waajibaadka naga saaran dhulkayaga gudano
Quote
 
 
0 #1 Eng:axamuud cawad 2012-11-12 11:49
Bismillaah,waxa an halkaan uga mahad naqayaa walaalkeen maxamed caydiid xaaji nuur waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay baraarujintan iyo talo soo jeedintan alle hakaa abaal siiyo fikirka wanaagsan ee aad umadaada iyo shacabkaaga waxaana ku dadaaleynaa hadaanu nahay cidda ay fariintani ku socoto in aan waajibaadka naga saaran dhulkayaga gudano
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos