Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Pl General Ilka Jiir ayaa Qado Sharaf la qaatay Xubnaha Jaaliyada Dalka kenya, waxana Qadadaasi ay ka dhacday Hotel Bara-kaat.
Shirkaasi oo ahaa mid is Xog Waraysi ah waxa u badnaa dhalinyaro Madaama Wasiirko Codsaday inuu Rabo Is araga isaga iyo Dhalinyarada Nairobi.
Shirkaasi waxa Furay Gudoomiyaha Jaaliyada Sadexda Gobol ee dalka Kenya C/salaan Cismaan Bulqaas isaga oo Wasiirka uga Mahadceliyay Imaanshihiisa Wanaagsan.
Waxa Hadalka lagu Wareejiyay Caaqil Cabdi Qani Maxamed Qoobey isaga oo ka sheekeeyay Marxalada ay soo Martay Jaaliyadu iyo sida ay ugu Faraxsan yihiin Booqashada Wasiirka.
Qoobay ayaa ka hadlay in Jaaliyada la dhisay Sanadkii 2008- taasi oo wax badan qabtay una badan dhanka Isku xidhka Jaaliyadaha wuxuu Tusaale u soo qaatay, Socdaalkii ay ku Gaadheen Xubnaha Kenya dalka Uganda iyo dhismaha Dallada Midaysa Jaaliyadaha Geeska Africa.
Wuxuu Wasiirka u taabtay in Jaaliyadaha Geeska Africa ee Gobolada Sanaag,Hayland iyo Bari ay yihiin kuwa Midaysan oo xidhiidh Wanaagsan leh.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo Hadalka lagu Wareejiyay wuxuu ka dhawaajiyay inuu ku Faraxsanyahay Soo dhawaynta Jaaliyada isaga oo Shan Arrimood uga Waramay.
1- Xaalada Guud ee Puntland dhanka Amaanka iyo Horumarinta
2- Arrimaha Horumarinta ee Sadexda Gobola Laga wado.
3- Xaalada Buuraha Golis iyo Al-Shabaabka soo Galay.
4- Dhismaha Jidka Ceel-Daahir iyo Badhan oo la dhisayo.
5- Dhismaha Dekeda Laasqoray oo dhawaan Sahmintii la Bilaabayo.
General Ilka Jiir wuxuu ku Horeeyay Arrimaha Guud ee Pl isaga oo xusay inay Puntland Gaadhay Horumar la Taaban karo isla markaana la Meel mariyay Ansixintii Dastuurka Cusub wuxuu ka sheekeeyay in Si Wanaagsan ay Shacabka Gobolada Sanaag,Hayland iyo Bari ay Siyaasiyiin iyo Cuqaal uga dhex Muuqdeen Ergooyinkii Meel marinta Dastuurka.
Dhanka Gobolada Ayuu sheegay in Mashaariic Horumarin ah laga wado isaga oo soo qaatay dhismaha Jiddka Ceel-Daahir iyo |Degmada Badhan isku xidha oo dhawaan la dhisayo iyada oo Dowladu Kaashnayso Hay'addo.
Wuxuu kaloo soo qaatay dhismaha Dekeda Laasqoray oo uu xusay in Meel Wanaagsan ay Marayso Arrintaasi dhawaan ay Booqan doonaan Saraakiil Sar Sare ah oo ah Sahmin iyo in la Calaamadiyo Goobta Laga dhisayo Dekeda Laaqsoray, wuxuu Amaanay dadka Howshaasi Wada oo uu ugu Horeeyo Eng Faysal Axmed Yuusuf [Xawar] iyo Xubno kale oo Badhi-taaraya.
Gen-ka ayaa Gaba Gabadii ka hadlay Al-Shabaabka Buuraha GalGala isaga oo ugu baaqay Jaaliyadaha dibada inay Iloobaan oo Meel iska dhigaan Warkii ahaa Shidaal baa Sanaag Laga Baadhanayaa wuxu Nasiib xumo ku Tilmaamay qaar badan oo Warbaahinta ah inay Warkaasi Faafiyaan" Walaahay Waa Nasiib Xumo Al-Shabaab ayaa Buurahaasi ku Jira Dowladu mar bay Guluf ku Qaada waa naga laga Saaray hada xoogaa way ku soo Badan Meesha hadii aan Cuqaal iyo Aqoonyahan lays kaashan oo laga saarin Goobta Ninkaasi Xaaladu Waa xumaanaysaa Hala Yiraahdo Naga baxa markaasi hadii ay Baaqa Loo Jeediyo ku Bixi Waayaan Halala Diriro Ayuu Yiri Gen-ku
Wasiirka ayaa u Mahadceliyay Aqoonyahan Saalax Nuur Saalax Doonyaale oo Goobta Joogay kaasi oo ku Amaanay Dadaalkiisa uu Goboladii ku Gaadhsiiyay Warbaahin dadka lagu Wacyi Galiyo" dadka Amaanta leh waxa ka mid ah Inankaasi Saalax waxa laga Yabaa Waligii dalkii ma Tegin hadana Wuxuu Garowsanyahay in Horumarin loo Baahanyahay" Ayuu Yiri Ilkajiir.
Xubnihii Shirkaasi Joogay ayaa Su'aalo Genk-ka Waydiiyay waxa ka mid ah dadkii Sulaha Waydiiyay.
1- Maxamed Siciid Kurre oo Su'aalay waxa Hor taagan Dhismaha Gobolka Hayland.
2- C/qaadir Khaliif 7-Tuulo oo Waydiiyay Arrimaha GalGala iyo Horumarinta Gobolada waxa uga Qorshaysan Masuuliyiinta Metela Gobolada.
3- C/salaan Bulqaas oo Waydiiyay Arrimaha Dastuurka Pl.
Gaba Gabadii Kulankaasi ayaa Wasiirku sheegay in Tifatiraha GalGalanews Jaamac Feyte uu ku Casumayo Puntland isla markaana uu dhex Galayo isaga Dolwada Wasiirka ayaa dhaliilay Bogga kuna Tilmaamay inay qoraan Warar aan laga Fiirsan wuxuu kula Taliyay inya ka shaqeeyaan Danta Guud ee Puntland iyo inayWasiirku wuxuu Gacan Qaaday Jaamac Feyte" Jaamac Anigaa ayaa xidhay Adeerkiis baan ahay markii la xidhay Markiiba Waa la soo daayay Markuu Soo Dhoofay aad baa looga Cowday Waxa ila Haboon inaan dalkii Tagto oo aad La shaqayso Dowlada wixii Wanaagsan ee la qabto Sheega" Ayuu Yiri Wasiirka oo la hadlay dhalinyarada Boggaasi Maamusha. Faafiyaan Wararka ay u Bogayaan Bulshada ay Afkeeda ku hadlaan.

Ahmed Maxamed



















Comments
mizuno jpx 800 irons
mizuno mp 64 irons