Banner
Wednesday, February 22 2012

Walaaca laga Qabo Shirka Lodon oo cirka isku sii shareeraya (Warbixin)

Written by Maxamed Ciise

Muqdisho (SPR) Walaaca laga qabo shirka lagu qabanayo Magaalada Lodon ee Xarunta Dalka Ingiriiska ayaa sii kordhaya xilli maalinta barito ah lagu wado in shirkaasi uu furmo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxa ay ka walaacsan yihiin shirka lagu qabanaayo Magaalada Lodon ee Dalka Ingiriiska ee Dalka Soomaaliya.

Walaac dadka Soomaalida waxaa la qaba xubno ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale masuuliyiin kale, waxayna ku tilmaameen shirkaan mid dano gaar ah laga leeyahay.

Xildhibaan C/qaadir Macallin Maxamuud waxaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isagoo la hadlayey warbaahinta  Muqdisho ayaa waxa uu sheegay.

“Dowladd dad u shaqeysaa ma jirto marka shir dar alle loo qabanayo maaha, koley waxaa weeye dano ay iyaga leeyihiin ayaa loo qabanaay, laakiin inkastoo iyaga danohooda ay u qabanayaan, Soomaalidana waxaa loo baahan yahay iyaguna wixii dan ah oo ay leeyihiin in ay miiska soo saartaan” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Macallin Maxamuud.

Aqoonyanahay C/raxmaan Cali Cusmaan Maleesiya, waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed isna wuxuu ku tilmaamay shirkan in uu yahay mid lagu doonayo in dadka Soomaaliyeed loogu taliyo.

“Walaalow Soomaalida waligeed waa loo talin jiray in loo taliyana way fiican tahay, waa tashan weynay ee hanala taliyo ayey taagan tahay, Shirku waa shir ka duwan shirarkii hore, Dowladda Ingiriisku waa Dowlad weyn oo dowladihii afrika gumeysan jiray ugu waaweynaa, Damac gaar ahna way leedahay, laakiin xaqiiqo ahaan qolaba qoley daba taagan tahay” ayuu yiri Aqoonyanahay C/raxmaan Cali Cusmaan Maleesiya.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo aan ka qeyb galayn Shirkan waxa ay sheegeen in ay heleen xog ku saabsan in shirkan uu yahay Shirqool, waxaana Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/raxmaan Shaati Cade uu yiri:-

“Runtii uma aragno shirkaasi in ay ka soo bixi doonaan wax masaalix u ah umadda Soomaaliyeed sababaha soo socda marka koowaad waa shir la ogyahay waxa ka soo bixi doona oo 52 Dowladdood loo sii qeybiyey, Mujtamac intaa la eg shir la sheegay in loo qabtay in la yiraahdo shan saacadood buu soconayaa oo halsaac xitaa laga yaabo inay quraac tahay waad garan kartaan in uu yahay wax sii qorsheysnaa oo ay tahay wax la yeerinayo oo ah yeela iyo waayahay, waxaan u aragnaa marka mid lagu iibsanayo dadka iyo Dalka Soomaaliyeed umana aragno in bur bur iyo baaba’a waxaan ahayn in ay ka soo baxayaan” ayuu yiri C/raxmaan Sheekh C/laahi Shaati Cade.

Shirkasta oo lagu qabto Dalka dibadiisa Macno badan Malahan sababtoo ah Soomaalida fikirkeeda ayaa ka maqan sidaas waxaa qaba Xildhibaan C/qaadir Macallin.

“marka waxaad moodaa markasta oo tubta nabadda aad fiiriso mar walba waxaa ka maqan aragtida Soomaalida, Soomaaliya in dhibka Soomaaliyeed uu yahay dhib Soomaaliyeed, Soomaalidana Xalkeeda uu u yaallo, Caalamka kalena doorka uu qaadan karaa uu noqon karo door caawin ah, aniga mar walba inta laga helayo ra’yi Soomaaliyeed aragti Soomaaliyeed ee Bisil iyo wada hadal qaran iyo dadka Soomaaliyeed ee danohooda si toos ah u waajaha inta laha halayo shirbaa xagga lagu qabtay iyo shirbaa xagga lagu qabtay waxba soo korin meyso” ayuu isna sheegay Xildhibaan C/qaadir Macallin Maxamuud.

Dowladda Ingiriisku waxay Sheegtay in markaan ay uu soo jeesatay arrimaha Soomaaliya waxaana shirkaas uu yahay mid balaaran marka loo eego xubnaha ka qeyb galaya waxaana go’aanka Soomaalida uu yahay mid Caalamka u yaala oo aysan iyagu qaadan Karin waxaa sidaas qaba Aqoon yahay C/raxaam Cali Cismaan.

“ma ahan arrin Soomaali u taalo waa arrin caalamka u taalo Caalamkaana ka tashan dadka Soomaaliyeedna waa loo yeerin waxa laga rabo ama hadiideen ama hayeeleen marka cid kastoo loo yeerayna korley waxbaa loo sheegi wixii loo sheegay markay ku dhawaaqi waayaanna talaabaa laga qaadi koleey” sidaa waxaa qaba  C/raxaam Cali Cismaan.

Shirkaan ka dhacaya Maalinta barito ah Magaalada Lodon ee Dalka Ingiriiska waxaa lagu casuumay Dowlaha Daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa dariska la ah, waxaana ugu horeeya wadamada ka qeyb galaya Shirkaasi Dowladaha Itoobiya, Mareykanka, Kenya, Uganda, Faransiiska, Turkiga iyo wadamo kale, waxaa sidoo kale qeyb ka ah hay’adaha QM ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos