Banner
Wednesday, January 25 2012

FARIIN KUSOCOTA BULSHADA GOBOLKA HAYLAAN

Written by Mohamed Aydid haji Nur

Bismillaah.

Marka hore waxaan u mahadcelinayaa Allaha awooda leh ee shay kasta gacantiisa ay kujiraan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa dadka waxgaradka ah ee kumidaysan shabakadan calamiga ah, waxaan rabaa inaan halkaan fariin kooban usoo mariyo dhamaan intii caqliga iyo cilmigu ku dambeeyay ee jecel horumarka iyo nabada dhulkooda iyo dadkooda khaas ahaan dhalinta reer Haylan.

Fariinta aan halkaan uga dirayaa waxay tahay , in maanta lasoo gaaray xiligii aynu hurdada ka toosilahayn oo aan indhaha kala furilahayn oo aan eegi lahay waxa inagu xeeran iyo sida ay ushaqaynayaan , in lasoo gaaray xiligii aynu midoobi lahayn oo aan gacmaha isqabsanlahayn oo aan taakulayn lahayn kii tabar daran iyo kii liita , in lasoo garaay xiligii aynu noqon lahayn madaxdii hogaanka kala wareegi lahayd aabayaashood , adeeradood iyo awoowayaashood oo aynu dadka iyo dalka ugu hagilahayn tubta toosan ee lagu najaxayo aduun iyo aakhiraba , in lasoo gaaray xiligii aan ku tartarmilahayn dhanka horumarka bulshada , dhaqaalaha , waxbarashada iyo siyaasada . in maanta lasoo gaaray xiligii aan tashan lahayn inagoo isku dhan odayaasha , dhalinyara , haweenka iyo dhamaan qurbajoogteena oo aan midayn lahayn fikirkeena iyo aragitideena mustaqbal .

Intaas oo dhan baan dareemayaa inay inasugayso oo aanan wali 2qof oo reer haylan ah islasoo hadal qaadin . hadaba walalayaal waxaan maanta loobahanyahay cid isu xilsaarta xaaldahan oo dhan oo watigooda iyo maalkooda iyo muruqooda intaba si tabaruucaad ah ugu bixiya walalahooda reer haylan. umalayn maayo maanta cid ubaahan sharaxaad inlaga siiyo haylan waxay tahay balse kolay waa deegaan aad u balaaran oo leh noockasta oo deegaan lahaanjiray.

Saaxibyaal runtii waxaan aad u dhowraynaa in lahelo cid howshaas diyaar nagulaha maadaama somildu ay ku maahmaahdo '' far kaliya fool ma dhaqdo '' waxaan meel ku gaari karnaa midaysnaan , isku xirnaan , isudulqaadasho , iyo waxqabad dhab ah oo lamuujiyo . aad baan u dareensanahay in ay jiraan dad badan oo ku hadaaqaya suaasha ah sidee uhurumarinaa mandiqadeena iyo dadka kunool , runtii dareenkaas aad baan idiin laqabaa lakin wax waliba wxay u bahan yihiin in waqti loo bixiyo .

Hada oo aan qoraalkan aan qorayo waxaan xiligaan isku fikir nahay oo himilo dhow iyo mid fogba aan ka simanahay dad dhalinyaro ah oo heer jamacado soo dhamaystay la'orankarana waa dadkii lasugayay oo meel ay waxka bilaaban garanla . sidaas daraadeed hadaan maanta isgacan qabsano inteena niyada ku haysa horumarinta iyo intayada hada howsha kujirta waan guulaysanyaa wana kamira dhalinkaranaa himilaydeena marka hada yaa maanta diyaar nala ah oo howshaas aan isku xilsaarnay nagu garab istaagaya oo jecel inuu meel muuqata oo lagu faanikaro gaarsiiyo dadkiisa iyo dalkiisa . qofkii howshaas diyaar ah naguna taageeraya wan soo dhaweynayaa wixiii faahfaahin ahna halkaan ayaa lagusoo hagaajiya walayaal '

International Network for Community care .centre

Kampala-Uganda moplie. +256793004549 , +256792272380

Mohamed Aydid haji Nur

email. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments 

 
0 #1 highlander 2012-01-25 11:06
Masha Allah Waa loo diyaarsanyahay
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos