Bosaso(SPR) Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr, Abdirahman sheikh Maxamed Maxamuud faroole ayaa isagoo ku sugan magaalada Bosaso waxaa uu ka hadlay baadhitaano shidaal oo ka socday qaybo ka mid ah deeganada Puntland.
Md, Faroole oo la hadlayey idaacada BBC-da waxaa uu si qoto dheer uga hadlay shidaalka laga baadhayey deeganada Bari ee Puntland gaar ahaan dooxada Dharoor waxaana uu tilmaamay in lagu guulaystay helitaanka shidaalkaasi.
Mar uu ka hadlay baadhitaankii dheeraa ee ku socday shidaalkaasi ayaa waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in ay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka goobta laga baadhayey isla markaasn ay xaqiiq rasmi ah ka heleen meelaha shidaalkaasi ku jiro.
Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in ay haatan bilaabmayaan qodi taanka shidaalkaasi loo soo saarayo deeganada Puntland waxaana uu intaasi raaciyey hadii ay shidaalka dharoor soo saaraan in ay u wareegi doonaan dhankaasi iyo dooxada Nugaal oo lagu sheegay shidaal fara badan.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland oo wax ka taabtay waxa ay ku qaban doonaan shidalkaasi hadii la soo saaro ayaa waxaa uu sheegay in ay Dowladu ay wax weyn kaga qaban doonto kaabayaashe dhaqaale ee la doonayo in la dhisi sida Garoomada diyaaradaha iyo la sameeyo wadooyin cusub oo caalami ah.







Comments
walaahi waa arin shacabka puntland u fiican
ilaah guul haka dhigo
meeshaan xoolaha la dagaajin jiray hadii Black gold laga
waa mahadaa