Banner
Saturday, December 24 2011

Shirkii Garoowe oo lasoo idleeyay iyo Qodobo hordhac ah oo kasoo baxay.

Written by Maxamed Ciise

Muqdisho(SPR)Shirkii wadatashiga loogu magacdaray ee uu wajigiisa labaad ka soconayey Magaalada Garoowe ayaa maata la soo gabagabeeyey iyadoo ay kasoo bexeen qodobo badan oo la isla meel dhigay.

Qodobada la isku raacay waxaa ka mid ah:-

waxaa la isku raacay in wax lagu qeybsado awood qeybsiga nidaamka 4.5

in baarlamaanka lagu soo doorto qaacidada 4.5 afarta Sano ee soo socota.

in xildhibaannada la yareeyo oo laga dhigo 225 mudane.

in nidaamka 4.5 uu shaqeeyo afarta sano ee soo socota.

In maamulada ay soo xushtaan ergooyinka iyada oo wax ay ka weydiinayaan Qabaa’iladooda ama wax garadkooda & Deegaanada aan maamul ka jirin in Qabaa’iladooda ay u soo doortaan cidii matali laheyd.

in dastuurka ay anisiyaan Ergooyin gaaraya ilaa 1000.

Qodobaadaas oo idil waxa ay ahaayeen kuwo la wada saxiixay waxaana qalinka ku duugay Madaxda sar sare ee Dawladda KMG Soomaaliya, Maamulka Puntland, Gal-Mudug iyo ururka Ahlusuna.

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo masuuliyiin kale oo aad u fara badan.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh axmed oo halkaasi qudbad dheer ka jeediyey ayaa waxa uu uga madahceliyey Maamulka Puntland Ciidankeeda iyo Shacbkeedaba sida quruxda badan oo ay uga qeyb qaateen gacan buuxdana uga geysteen shirkan waxa uuna sheegay in uu guul ku dhamaaday shirka.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland oo isna Goobtaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanku uu guul ku dhamaaday balse isagu marnaba uusan ku qanacsanayn nidaamka 4.5 balse sida uu sheegay uu tanaasulay.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in nidaamka 4.5 lagu dhaqmayo 4-sano oo kaliya lagana guuri doono wixii wakhtigaas ka danbeeya.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Discussing the LRT Impact (Dont Pass Us By)

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos