Howlahaan maanta laga fuliyay isbitaalka wayn ee Magaalada Dhahar ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa si tabarucaad ah loogu qabanayay dadka dhinacyada caafimaadka la liita ee dagan Dagmada Dhahar ee xarunta Gobolka Hailand.
Dhaqaatiirtaan ayaa waxaa ay ka socdaan hay'adda Manhal oo iyadu ah hay;al maxali ah oo ka shaqeeyaa soomaaliya oodhan waxaana dhaqaatiirtaan ay kala yihiin Soomaali iyo ajaaniib ah.







Dr SheekhNuurkamid saraakiishaan howsha caafimaad ee lacag la'aan ka fuliyay magaalada Dhahar ayaa waxaa uu sheegay SPR Radio in howshaan ay tahay mid loogu talagalay haweenka magaalada iyo caruurta waxana uu sidoo kale uu sheegay in qalabka isticmaalayaan uu yahay Cumputar iyo shaybar casri ah.
Howshaan ayaa ah mid aan dadka laga qaadayn wax lacag ah oo dadka bukaanka ah ee maanta imaaday istibaalka wayn ee magaalada Dhahar.
Waaxaa uu sidoo kale Drka uu sheegay in mnaalmaha soo socda ay sii joogi doonaan magaaladaa ilaa ay ka fulinayaan howshii ay halkaa u yimaaden.
Dhaqaatiirtaan ayaa waxaa ay ka yimaadeen dagaano kamid ah gobolka Sanaag oo howl sidaan oo kale ah ka soo fuliyeen.
SPR Radio
Dhahar/Badhan,







Comments