Banner
Wednesday, May 11 2011

Wararkii ugu danbeeyey ee Kubadda cagta Yurub

Written by Admins

Natiijooyinka Ciyaarihii ugu muhiimsanaa 11-May-2011

Mancity Vs Tottenham (1-0)

mcity-thWaxaa fiidnimadii xalay dhacay kulan baaqi ah oo katirsanaa horyaalka Ingriirksa ee Primier League-ga. Ciyaartan oo ahayd mid darbi ah oo aad loo wada sugayay ayaa waxa ay u dhaxaysay kooxaha Mancity iyo Tottenham iyada oo kulankani uu kala saarayay cida horyaalka uga qaybgalaysa Yurub sanadka soo socda ee 2011-2012.

Ciyaartan oo u badnayd weerar iyo weerar celis ayaa gool si khaldan waxaa isaga dhaliyay ciyaaryanka Peter Crouch oo usafta kooxda Tottenham.

Isbadal ciyaaryahanadda ah iyo waliba shaxda oo u sameeyey tababare H. rednap ayaa haafkii danbe ee ciyaarta ay awood xoog leh la soo baxday Tottenham hase ahaate natiijada ayaa ku dhamaatay Mancity oo ku gulaysatay 1-0

Palermo Vs Milano. (2-1) Agg (3-2)

Milan-PalermoLabadan kooxood oo ka wada dhsian horyaalka Italy ayaa u tartamayay koobka looyaqaan (Coppa Italia) oo ay Semi-final ay wada joogeen kooxaha (Milan, Inter, Roma, iyo Palermo).

Kulamadan oo lugtoodii hore ay dhacday asbuucyadii lasoo dhafay ayaa Milan waxa ay ku barbaraysay gurigeeda oo ay ciyaartu ku dhamaatay 1-1.Halka kooxda Inter ay ku badisay (1-0) guriga Roma.

Hase ahaatee kulankii danbe ee ay Palermo marti galisay Milan ayaa kudhamaaday (2-1) oo ay final ku tagtay kooxda Palermo. Ciyaartana waxa ay ahayd mid aan hafkii hore wax goolal ah laka ladhalin hase ahaatee hafkii danbe ayaa kadhka cas loo tagay ciyaaryahan V. Bomel oo ka tirsan Milan, taasi oo usahashay in 2 gool dhaliso kooxda Palermo.

Kaadhadhka cas intaa kuma istaagine waxa siira wada ciyaartuna uu kaadh cas u taagay ciyaaryahan C. Bovo oo ahaa ciyaaryahankii saxiixay goolka labaad ee Palermo. Lakiin weeraro badan oo ay qaaday Milan waxa ay usuurta galisay in daqiiqadii 90-aad oo gool dhaliyo ciyaaryahan Z. Ibrahimovich.

Real Madrid Vs Getafe (4-0)

CR7Kooxda Real Madrid ayaa cadcad u jarjartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Getafe kadib markii ay ku marti qaaday gurigeeda S.Barnabeu. Ciyaartan oo uu xidigeedea ahaa weeraryahanka R.madrid ay ku dhaarato ee C. Ronaldo ayaa waxaa uu suurta gashay in uu dhaliyo 3 gool oo kamid ah ciyaarta, taasina waxa ay usahlaysaa in uu ka kormaro weeraryahanka reer Barca L. Messi oo uu xilligan 5 gool kasareeyo.

Sidoo kale waxaa goolka u dhaliyay naadiga Barcelona weeraryahanka reer France ee K. Banzeema taasi oo ka dhigtay natiijada ciyaarta in ay guusha ku raacdo naadiga oo R. Madrid oo ku badiyay 4-0

Suuqa Kala iibsiga Ciyaarhannada.

Taiwo iyo P. Mexes oo si lacag la’aan ah ugu wareegay Milan.

mexes-taiwoNaadiga hantay horyaalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa si lacag la’aan ah ugu guulaystay in ay lasoo wareegaan labada ciyaarhan ee P. Mexes iyoTaiwo oo kawada ciyaara daafaca.

Ciyaaryahanka P.Mexes oo udhashay France kana soo wareegay Nadiga AS Roma ee horyaalka talyaaniga ayaa si lacag la’aan ah ku yimid naadiga Milan, halka Ciyaaryahanka Taiwo oo udhashay Nigeria ka yimid kooxda O. Marseille si lacag la’aan ah.

Waxaana lafilayaa in labadan ciyaaryahan ay xoojiyaan khadka daafaca Milan oo ahaa in dhawaydba mid liita.

Tevez oo aadi doona Horyaalka Italy

TevezDhanka kale, tababaraha kooxda Mancity Manchini ayaa shaaca kaqaaday in xidiga kooxdiisa oo xiisaynayo in uu ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan soo socda.

Xiddigan oo ahaa xidigii ka qaybqaatay in Mancity ay timaado horyaalka Yurub Sanadka Soosocota ayaa waxa naadigiisu ay ku qanciyeen in uu qaato aduun lacageed oo aad u badan si uu usii joogo, hase ahaatee arintan ayaa noqotay mid aan mira dhalin isaga oo ugu danbayntii sheegay in uu jecelyahay in uu aado horyaalka Talyaaniga.

Ciyaaryahankan ayaa saxiixiisa waxaa ku dagaalamaya kooxaha Chelsea, Inter, iyo Real Madrid waxana uu mastaqbalkiisu si rasmi ah u cadaan doona marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahannada

Ciyaaraha Caawa Dhici Doona

Italy - Coppa Italia May 11

20:45 Inter Milan VS AS Roma

Spain - Primera Division May 11

Almeria VS Villarreal

Levante VS Barcelona

Real Sociedad VS Zaragoza

Espanyol VS Valencia

Hercules VS Mallorca

Osasuna VS Sevilla

Comments 

 
0 #1 ugg boots on sale 2012-09-21 21:34
Ugg upplies a great number of kinds. You will discover simple boot styles, ugg boots on sale 40 per-cent shoes and boots or maybe boot styles or more so that they can shared shoes and boots or maybe boot styles within several colouring such as impure, dark-colored, golden, for example. ugg australia classic girls boots And you'll moreover reveal boots or shoes every with regard to ladies in addition to men, fresh in addition to outdated, helpful demands for a lot of men and women.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos