Manchester Vs Chelsea
Kulan aad u xiiso badan oo aad loo wada sugayo ayaa dhexmaray kooxaha Manchester United iyo kooxda Chelsea. Kulankan oo si rasmi ah loogu kala ogaanayay in cidda sida rasmiga ah u hanan doona koobka Premier League Ingiriiska.
Ciyaarta oo socotay wax daqiiqad ka yar ayaa gool aad u qurux badan oo uu weerayhan Chicharito kadaba baxay difaaca Chelsea ku hubsaday Shabqa Ven der sar. Ciyaartuna way sii kululaatay oo haafkii hore oo aan dhamaan ayaa kabtanka Manchester ahna daafaca kooxda ay ku dhaarato N. Vidic uu gool madax ah ka dhaliyay kooxda Chelsea.
Natiijadan ayaa quusgoysay rajadii ay kalahayd Chelsea hanashada koobka, inkasta oo dadaal ay sameeyeeen ciyaaryahanadii badalka kusoo galay ay usuura galisay Chelsea in ay dhaliso gool qura oo uu usaxiixay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lampard.
Stoke Vs Arsenal
Dhanka kale, waxaa shalay lagu durduriyay kooxda Arsenal kadib markii ay guirgooda ugu tagtay kooxda Stoke City. Stoke oo ahayd oo koox aad u dhaarsan ayaa 3 gool ku marti galisay Arsenal halka weeraryahan v.Persi lagu sharfay gool kaliya oo uu u dhaliyay arsenal. Ciyaartana waxa aad u muqatay dafaac la’aanta kooxda Arsenal oo xilli ciyaareedkan kaliya laga dhaliyay 40 gool.
Barcelona Vs Espanyol
Sidoo kale Kooxda hogaanka Spain Haysa ee Barcelona ayaa badisay Ciyaartii darbiga ahayd Espanyol Kulankanina waxa uu kusoo dhamaaday 2-0 oo ay goolashooda saxiixeen ciyaaryahan Ineista iyo Ciyaaryan Pique.
Inter Vs Fiorentina
kooxda kaalinta labaad ku jirta horyaalka Talyaaniga ayaa waxa ay shalay ku badisay 3-1 oo 2 gool oo kamid ah ay ahaayeen kubado laad xor ah oo ay soo ladeen ciyaaryahanada Cotinho iyo S. Eto.
Ciyaartan oo an macna sii wayn lahayn maadaama lakala qaaday horyaalka Italy ayaa haddana Kooxda Inter waxa ay adkaysanaysaa booska ay uga jirto horyaalka ee labaad madaama ay kula herdamayso Kooxda Napoli. Taasina oo keentay in guul raaxo leh ay ku gaaraan gurigooda Sansiero







Comments